War Degdeg ah: Askari Sacad Muuse Ah Oo Laba Wiil Oo Arab Ah Hargaysa Ku Toogtay

0
Wednesday June 08, 2022 - 10:33:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Askari Sacad Muuse Ah Oo Laba Wiil Oo Arab Ah Hargaysa Ku Toogtay

    "Labadii wiilba baabuurkiisa ayuu ku soo qaaday isagoo geeay dhakhtarka wayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Labadii wiilba baabuurkiisa ayuu ku soo qaaday isagoo geeay dhakhtarka wayn"

Hargaysa (HWN) laba dhalinyaro ah oo shaqo ka soo rawaxay xalay habeenimadii ayaa waxaa ka horyimid askari dharcad ah oo baabuur wata, kaasi oo ku horgooyay baabuurka inamada, askarigan ayaa isla markiiba inamada waydiiyay maxaad ahaydeen? Iyagoo inamaduna ugu jawaabay dad ayaanu nahay, baaskooladii uu watay ayuu iska soo bixiyay isagoo isla markiiba ku qabtay, waxaanu waydiiyay qolamaad tihiin waxayna ugu jawaabeen ARAB, wuxuuna ku yidhi maxaad xaafadan jigjiga yar aad ka soo doonteen, isla markiiba boostooladii ayuu ku furay, wadnaha ayayna ka qabsatay marxuum  Ayaanle Maxamed Cabeeye, xabadii marxuumka wadnaha kaga dhacday ayaa ugudubtay wiilkii labaad oo dhaawacday.



Labadii wiilba baabuurkiisa ayuu ku soo qaaday isagoo geeay dhakhtarka wayn ee Hargaysa.

Askarigan Dilka gaystay oo ka soo jeeda Beesha Sacad Muuse  ayaa qirtay in uu isagu toogtay  labada wiil.

Dadwaynaha magaalada Hargaysa ayaa ka argagaxay dhacdan arxandarada ah ee uu sameeyay askarigan ka tirsan Booliska Somaliland maadaama dad aan waxba galabsan uu si ulakac ah oo badheedh ah uu utoogtay.


Dhinaca kale ehliyada uu ka soo jeedo marxuum  Ayaanle Maxamed Cabeeye ayaa codsaday inaysan qaadan wax mag ah aynu ku ganacsanyihiin in loo qisaaso askariga dilka Gaystay.

 

Gabagabadii beryahan ayay askarta dharcada ah ay magaalada Hargaysa dadka shicibka ah si badheedh ah iskaga dilaan. Taasi oo xukuumada Somaliland anay ka hadal arimaha waxshi nimada ah ee askarta dharcada ee beesha Habar Awal ay ku dhaqmayaan.

 

 

 

 

Loading...
Loading...