Isuduwaha Wasaaradad Degaanka Gobolka Awdal Oo Ka Digay Dhirta Maalin Qayilka Loo Gubayo

0
Wednesday June 08, 2022 - 09:56:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isuduwaha Wasaaradad Degaanka Gobolka Awdal Oo Ka Digay Dhirta Maalin Qayilka Loo Gubayo

    "Waxa aanu mar walba hegaan ugu jirna sidii khayraadkeena dabiiciga ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aanu mar walba hegaan ugu jirna sidii khayraadkeena dabiiciga ah"

Borama (HWN) Isu’duwaha wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada ee gobolka Awdal, Eng. Cabdiwahaab Xuseen Muumin, ayaa ka digay dhirta maalin qayillka loo gubayo, oo uu sheegay in nabaadguurka degaanka ay qayb weyn ka yihiin.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dadaal weyn ugu jiraan soo celintii dhirtii ay xooluhu quudanayeen, sida Galoolkii, Maraagii, Sogsogtii, Qudhici iyo kuwa kaleba.

 

Waxaanu sidan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Dawan xafiiskiisa.

 

"Waxa aanu mar walba hegaan ugu jirna sidii khayraadkeena dabiiciga ah oo ay wax waliba ku jiraan ama noole ha noqoto ama ma noole ha noqote, haddii ay baddi tahay iyo hadday barigii tahayba.

 

Waxa sannadahan danbe badanaya dhuxulaysigii goyntii dhirta, waxyaabaha sababta koobaad u ahina waxa ay tahay dhal linyaradii xoola dhaqato beeralaydii oo wada qayilaysa, geedkii qoyanaana ka dhigaysa dhuxul.”

 

Waxa uu sheegay in ay dadaal ugu jiraan soo celintii dhirtii xooluhu manaafacaadsanayeen ee hadhka iyo quudashadaba ulahaa.

 

Waxaanu yidhi."Waxa aanu halkan ku beernay dhammaan dhirta noocyadeeda kala duwan, hadda waxa aanu dadaal ugu jirta soo celinta dhirtii sii dabargo’aysay,  sida Qudhaca, Galoolka, Maraaga, Cadaada, Gobka, Sog’sogta, ahna dhirta ay xoolaheenu quudanayeen.”

 

Waxa uu qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Awdal ugu baaqay in wasaaradda degaanka ee gobolku ay u diyaarisay dhirta qaybaheeda kala duwan ee mihiimka u ah nolosha dadka iyo duunyadaba.

 

Waxaanu yidhi."Waxa kale oo aanu halkan ka beernay dhirta lagu qurxiyo jidadka waddooyinka iyo huteelada magaalada, sida Saytuunka, Afagaadha, Geed Hindiga, Dhuurtii, Dhamastii, xarunta kobcinta dhirta ee goboolka Awdal, gaar ahaan magaalada Borama waxa ay bulshada u diyaarisay in ay qaataan dhirtan, oo ay isticmaala’aan, degmooyinka iyo degaanada kale ee gobolka ee xarunta yimaadana si lacag la’aan ah ayaanu dhirtan u siinaa, bulshada waxa aanu ugu baaqayn in dhirtu halkan diyaar ugu tahay,”

 

Gaba’gabadii waxa uu ka digay dhirta maalin qayilka loo gubayo, iyada oo aan loo meel dayayn.

 

Waxaanu yidhi."Waxa kale oo aan halkan baaq uga dirayaa dhammaan dadka ku hawlan garista dhirta iyo ka ganacsiga dhuxulaysiga in ay geedkii tacabku galay ee lix sanadood ku soo baxay in saacad wax ka yar lagu gubo iyada oo shan dollar loo gubayo, waana ayaandaro in hantidii Qarankani lahaa si khaldan loo isticmaalo, marka waxaan leenahay halaga waantoobo waxkasta oo degaanka nabaadguur ku keenaya,”


Loading...
Loading...