Atooraha Salmaan Khaan Iyo Qoyskiisa Oo Loo Diray Warqad Hanjabaada

0
Wednesday June 08, 2022 - 08:45:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atooraha Salmaan Khaan Iyo Qoyskiisa Oo Loo Diray Warqad Hanjabaada

    "Warqada hanjabaada ah ee uu soo diray qofka aan la aqoonsan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warqada hanjabaada ah ee uu soo diray qofka aan la aqoonsan"

Waxaa La Adkeeyay Ammaanka Hoyga Uu Degan Yahay Xiddiga Bollywood Salmaan Khan. Arrinka Ayaa Yimid Kadib Markii Isaga Iyo Qoyskiisa Ay Heleen Hanjabaad Dil Ah.



Wararka ay heshay BBC-da ayaa sheegaya in aabbeha Salmaan Khaan oo la yiraa Saleem Khan in uu helay warqad hanjabaad dil ah. Warqada waxaa ku qornaa" dhawaan Salman Khan iyo Saleem Khan waxaad la kulmi doontaan mid la mid ah tii uu la kulmay Musa."


Warqada ayaa la dhigay goob uu si maalinle ah ugu jimicsado aabbeha dhalay jilaaga Bollywoodka. Waxaa la helay warqada axadii.


Saleem Khan ayaa durba wargeliyay booliska mumbia isaga oo u faahfaahiyay hanjabaada kuna wareejiyay warqada. Boolisku waxay baareen guriga Salmaan Khan subaxnimadii maanta oo Isniin ahayd, waana la adkeeyay ammaanka hoyga jilaaga iyo qoyskiisa ay degan yihiin. Aabbeha Salmaan Khan oo warbaahinta la hadlay waxa uu arrinka ku tilmaamay "wax yar" isaga oo diiday in uu bixiyo faahfaahin dheeraad ah.


Warqada hanjabaada ah ee uu soo diray qofka aan la aqoonsan waxaa lagu xusay fanaan la yiraah Sadhu Musa Wala oo la dilay 29kii bishii hore ee May. Waxaa lagu dilay fanaanka gobolka Punjab. Dilkiisa waxaa lagu eedeeyay koox burcad ah oo hoggaamiyahooda lagu xiray Delhi.


Ma ahan markii ugu horreysay oo dil loogu hanjabayo Salman Khan. Horey waxaa dil loogu hanjabay 2018kii markaas oo ay dacwad uga socotay maxkamad ku taal dalkaas. Waxaa lagu heystay in uu dilay Deero. Booliska Mumbai wax faahfaahin ah kama aysan bixin hanjabaada ugu dambeysay ee uu helay jilaa Salman Khan.

 

BBC

Loading...
Loading...