Gudo. G. Wakiilada Oo Arimaha Doorashooyinka Kala Hadlay Wakiilka Ingiriiska Ee Somaliland

0
Tuesday June 07, 2022 - 17:10:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudo. G. Wakiilada Oo Arimaha Doorashooyinka Kala Hadlay Wakiilka Ingiriiska Ee Somaliland

    "Kulanka waxaa goob joog ka ahaa La taliyaha xidhiidhka caalamiga ah ee Golaha Wakiilada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulanka waxaa goob joog ka ahaa La taliyaha xidhiidhka caalamiga ah ee Golaha Wakiilada"

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed,  ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Lizzie Walker oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa.



Kulankan dhex maray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Wakiilka Somaliland u joogta Dawladda Ingiriiska, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan xidhiidhka wada shaqayneed ee xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeisa iyo Golaha Wakiillada Somaliland iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka siyaasiga ah ee dalka.


Kulanka waxaa goob joog ka ahaa La taliyaha xidhiidhka caalamiga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Xasan Xiis iyo Muhumed Muhumed (Khadar), oo ah Madax siyaasadda iyo wada xidhiidhka ee Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

Loading...
Loading...