Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shir La Qaatay Shirkadaha Bixiya Korontada Oo Qiimaha Kordhiyay

0
Tuesday June 07, 2022 - 14:08:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shir La Qaatay Shirkadaha Bixiya Korontada Oo Qiimaha Kordhiyay

    "Kulankan ayaa daarnaa sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay qiimaha lacagta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulankan ayaa daarnaa sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay qiimaha lacagta"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka xafiiskiisa kulan kula yeeshay Masuuliyiin kakala socday Shirkadaha bixiya adeega Korontada iyo sidoo kale Masuuliyiin ka socday Komishanka Tamarta, sida lagu sheegay qoraal hoose oo ka soo baxay Wasaarada arimaha Gudaha.

 

"Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu saaka xafiiskiisa ku qabtay kulan ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen shirkadaha bixiya adeega laydhka iyo masuuliyiinta Koomishanka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland.



Kulankan ayaa daarnaa sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay qiimaha lacagta ee ay kordhiyeen shirkadaha Laydhka, kaasoo bulshadu ka horyimaadeen qiimaha ku kordhay ee laydhka.


Dood dheer ka dib waxaa la isla qaatay in maalinta Sabtida ah Hadii Alle Idmo khilaafkan lagu soo afjari doono kulan ka qabsoomi doona Hoolka Wasaaradda Arimaha Gudaha, kaasoo ay ka soo qayb geli doonaan Komishanka Tamarta, Wasaaradda Macdanta, Shirkadaha bixiya adeega laydh iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, inta ka horaysana maalinta sabtida ah aanu dhaqan gal ahayn go'aankii ay shirkada laydhku  ku kordhiyeen qiimaha Laydhka". Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.


Todobaadyadii ugu dambeeyay waxa Somaliland ka taagnaa khilaaf kadhashay Qiimo kordhin ay sameeyeen shirkadaha laydhka bixiya ee Somaliland.

Loading...
Loading...