Madaxweynihii Ugu Mushaarka Badnaa Afrika Oo Doonaya In Guri Loo Qaadhaamo
Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wali ka wada Baraha Bulshada olole ay ugu magac dareen "Mahadsanid Madaxweyne”, kaasi oo looga goleeyahay in guri loogu dhiso Farmaajo.
Ilaa iyo hadada dadka
Soomaaliyeed waa ka gadmi la’dahay in Farmaajo uusan heesan dhaqaalo uu guri ku
iibsado, laakiin ololahaan ayaa la aaminsanyahay ujeedkiisu inuu yahay sii
heesashada taageerayaasha kooxdaan.
Markii uu soo baxay
mashruuca guriga loogu dhisaayo Farmaajo ayaan waxaan baaritaan ku samaynay
mushaarka iyo xuquuqda Farmaajo uu ka qaadanayay dowladda intii uu xafiiska
joogay, maadaama qofka ugu sareeya dowladda ilaa qofka ugu hooseeya ay yihiin
shaqaale u shaqeeya dadka iyo dalka dowladdana ka qaata xuquuq.
Xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyada, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo bil kasta uu mushaar ahaan u qaadanayay intii uu joogay xafiiska lacag dhan 60-kun oo dollar.
Sanadkii wuxuu dowladda ugu shaqaynayay 720-kun oo dollar. Marka la isku daro 63-bilood, ama (shan sano iyo saddex bilood) oo uu fadhiyay xafiiska ugu sareeya dalka, wuxuu Madaxweyne Farmaajo mushaar ahaan u qaatay $3,780,000 (Saddex malyan toddoba boqol iyo sideetan kun oo dollar).
Sidoo kale waxaan
baaritaanka ku ogaanay xuquuqda maamuus ee madaxweyne Farmaajo uu dowladda ka qaadan
doono inta uu noolyahay, taa oo u billaabatay maalintii uu xilka wareejiyay.
Intaas waa kaliya mushaarka Farmaajo uu ka qaatay dowladda intii uu shaqaynayay, kumana jiraan xuquuqaha kale ee madaxweynaha iyo lacagaha danaha kale lagu dabarayay.
Waxaan sidoo kale ogaanay lacagta uu xaqa u leeyahay Farmaajo oo uu qaadan doono inta ka dhiman noloshiisa, taas oo u billaabatay maalintii uu xafiiska baneeyay.
Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Farmaajo bil kasta Account-kiisa gaar ah ay ugu dhici doonto lacag dhan 25-kun oo dollar, taas oo ka dhigan sanadkii $300,000 oo kun oo dollar. Waxaa xusid mudan lacagtaan maamuska ah inuu sidoo kale bil kasta uu qaadan jiray Madaxweynaha hadda Xafiiska jooga Xasan Sheekh Maxamuud intii uu mucaaradka ahaa.
Intii aan baaritaanka ku jirnay waxaan ku ogaanay in mudo xileedkii hore ee Maaxweyne Xasan Sheekh uu mushaar ahaan u qaadan jiray 8-kun oo dollar oo ah lacag aad uga yar tan uu mushaar ahaan u qaadanayay Farmaajo.
Mushaarka Xasan
Sheekh ee xiligaas iyo ka dhan dhammaan Madaxda kale iyo shaqaalaha dowladda
hal mar ayaa la jaangooyay, waxaana la marsiiyay baarlamaanka Soomaaliya oo
ansixiyay.
Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in mushaar kordhinta Farmaajo aanan la marsiin baarlamaanka, sidoo kalana aanan hal mar lagu soo darin warbixinta muusaaniyadda dowladda, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu qaatay lacag sharci-darro ah.
Farmaajo halkee ayuu uga jiray madaxweynayaasha ugu mushaarka badan Qaarada Afrika.
Inkastoo Kooxda
Farmaajo ay aad u qarinayeen inta uu la egyahay mushaarka Madaxweynaha, ayaa
hadana xogtaan laga ogaaday hay’adaha qaabilsan maamulka miisaaniyada
Soomaaliya, waxay cadaynayaa in Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Madaxweynaha ugu
Mushaarka badan Qaarada Afrika, islamarkaana sanadkii uu Soomaaliya ka
qaadanayay lacag dhan $720-kun oo dollar.
Kaalinta labaad waxaa ku jira Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya – oo qaata $620,976, Halka saddexaadna uu ku jiro Boqorka Dalka Morocco King Mohammed – kaas oo mushaar ahaan u qaata Sanadkii $488,604.
Hadaba Madaxweyne Farmaajo oo ahaa madaxweynihii ugu msuhaarka badnaa Qaarada Afrika shantii sano ee la soo dhaafay, mushaarna u qaatay $3,780,000, haddana asaga oo aanan xil hayn sanadkii qaadanaya $300,000, ma u baahanyahay in qaaraan guri loogu dhiso.?
W/Q: Muxudiin M Abdulle
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!