Xaalka Aan Sahlanayn Ee Gobolka Geeska Africa.
Geeska Afrika waxaa horyaala caqabado badan oo adag. Itoobiya, colaada gudaha ah oo adag iyo xaalad bini'aadantinimo oo naxdin leh ayaa ka jirta gobolka Tigray oo cawaaqib xun ku leh gobolka ayaa soo jirtay tan iyo bishii November 2020, iyadoo xal wada-xaajood ah laga gaarayo weli aan la ogeyn.
Koonfurta sudaan rabshado ka dhashay daaqa iyo biyaha oo loo aaneynayo maleeshiyada Janjaweed iyadoo bishii Oktoobar 2021, hoggaanka milaterigu kala diray cudud dowladeed oo ay shacabku hoggaaminayeen, taasoo carqaladeysay isu gudubka xukunka rayidka waxayna wiiqday kalsoonida caalamiga ah ee hannaanka dib-u-habeynta dimoqraadiyadda ee dalka. Xawliga hirgelinta geeddi-socodka nabadda ee Koonfurta Suudaan ayaa ahaa mid aan joogto ahayn oo dhowr jeer, oo halis ugu jira inay gabi ahaanba istaagto.
Sido kale dal waynaha sudaan waxa ka jira iska hor imaad u dhaxeya dawladda iyo shacabka sudaan waxa ay maraysaa xaladii ugu danbesay o ah qir iyo qir sicir barar baahsan iyo isku halayn la”aan wayn ayaa jirta.
Dhinaca Kenya doorasho ayaa lagu jiraa wakhtigeeda taagan o olalaha iyo is xulufaysiga ayaa laysla jaan qadayaa , salaasada 09 AUG 2022 ayay dorashadu qobsomaysaa iyada o la eegi doono ma xasaloni ayaa loo dhaqaaqi doona mise qalalaase iyada o la rajenayo in xilka dalkaas sanadkan mucaradku ay qabtaan waa raila odinga ee.
Si la mid ah dalka Somaliland waxa kuso wajahana laba dorasho o kala ah dorashada ururada iyo doorashada madaxtoyada iyada o maxafudka iyo mucaradku aad isagu haystaan doorashada ma ta ururada ayaa soo horayn doonta mise doorashada madax toyada bal wayaha iyo wakhtiga aan dhawrno iyada o ay jirto abaar baahsan gobalada bariga Somaliland iyo sicir barar galaaftay nolosha dadka dan yarta ah iyo ganacsiyo badan o xidhmay shaqo la”aan baahsan iyo xalad hubanti la”aan ah.
Sido kale Somalia hadda ayay iyana doorasho cusub kasoo baxday waxa ka jira amni daro aad iyo aad u wayn iyo sido kale abaaro soo noq noqday o faraha ka baxay.
Djibouti iyo Eritrea waxa jira sicir barar cabudhin iyo tartan la”aan dhinaca sanduqaha ah sido kale dadku inta badan waxa ay ka cabsadaan xukunka jooga o gacan adag ku maamula dalalkaas aan kor ku xusnay lakiin labada xaakin ayaad modaa in ay si u kala dabac san yihiin jabuuti way dhaantaa Eritrea in badan dhinaca nolosha iyo xaga horumarka waxanan u rajenaya amada somaliyeed guul iyo in ay helaan tartan xalaal ah o dorasho cadalad ah ku dhisan iyo cabsi la”aan iyo isla jaan qadid joogta ah ayaan u rajenayaa dadka reer jabuuti o dhan.
Wax ka qabashada kuwan iyo xaaladaha kale ee dhibaatada leh ee gudaha, iyo sidoo kale caqabadaha muhiimka ah ee ay keeneen saameynta bulsho iyo dhaqaale ee masiibada COVID-19, masiibooyinka dabiiciga ah ee meertada, isbedelka cimilada, iyo barakaca ayaa waxaa sii adkeynaya iskahorimaadka ka socda Yurub ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, kaas oo leh saamayn heer gobol iyo mid caalami ah.
Caqabadaha dhaqan dhaqaale masiiboyinka abaaraha iyo fatahaadaha nabad aan ku tagnayn cago adag iyo dhaqali yari iyo faqri baahsan nolol adag iyo aqoon yaraan ayaa ka tagan kana jirta dhul waynaha geeska Africa.
Waxa intaas ka daran lolanka geopolitics ka e geeska Africa ayaa sare u kacay heer sare o aan la qiyaasi karayn waxa u ku dul lagdamaya USA iyo reer galbeed o dhinac ah iyo dhinaca kale o ah china iyo rush halka tartanka wayni ka jirana waa dakadaha iyo kabayasha dhaqaale e muhiim ka ah iyada o dhanac walba lagu dul dagalamayo.
Ugu danbayntii xallinta arrimahan baaxadda leh ee Geeska Afrika iyo kobcinta dawlad wanaaga ayaa weli ah shuruud muhiim ah oo runtii lama huraan u ah furitaanka iyo xaqiijinta awoodda aadanaha, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.
Mahadsanidiin Dhamantiin
TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!