Madax-Dhaqameedka Beelaha Subeer Awal & Garxajis Oo Guddi Iska Dhex Doortey Iyo Ajandayaasha Qarsoon

0
Monday June 06, 2022 - 19:58:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madax-Dhaqameedka Beelaha Subeer Awal & Garxajis Oo Guddi Iska Dhex Doortey Iyo Ajandayaasha Qarsoon

    "waxa ugu dambayn madax-dhaqameedka labadan beelood isla qaateen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa ugu dambayn madax-dhaqameedka labadan beelood isla qaateen"

Hargeysa, - (HWN)- Madax-dhaqameedka Beelaha Subeer Awal iyo Garxajis oo kulankoodii labaad shalay isugu yimid Huteel ku yaalla caasimadda Somaliland Hargeysa ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka kadib khilaafka ba’an ee ka dhex taagan xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.



Kulanka labaad ee shalay dhex maray Madax-dhaqameedka ka kala socday labadan beelood oo ay kala hogaaminayeen Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Axmed Cismaan Caddo-Gude oo matalayay Madax-dhaqameedka Beelaha Garxajis ayaa waxa ay muddo saacado ah oo kulankaasi socday isla jeexjeexeen xaaladdii ugu dambaysay ee Khilaafka cakiran ee ka taagan Somaliland iyo sidii ay door muuqata Madax-dhaqameedka labadan beelood uga qaadan lahaayeen xal u helidda khilaafka siyaasadeed oo ay horeba labadan dhinac ugu tilmaameen mid halis weyn ku ah wada jirka iyo amniga qaranka kaasi oo u baahan in xal kama dambays ah loo helo.


Kadib falanqayn iyo doodo dhaadheer oo labada dhinac yeeshaan, waxa ugu dambayn madax-dhaqameedka labadan beelood isla qaateen in ay iska dhex doortaan Guddi ka kooban 20 xubnood oo isugu jira labada dhinac kuwaasi oo loo xil saaray in ay ka wada shaqeeyaan sidii looga bixi lahaa khilaafka cakiran ee hadheeyey guud ahaan dalka kaasi oo ku saabsan doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.


Ilo-wareedyo u dhuun daloola shirkan labaad ee shalay degmada Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa ku dhex maray Madax-dhaqameedka Beelaha Subeer Awal iyo Garxajis ayaa wargeyska Foore u sheegay in ay labada dhinac isla qaateen sidii looga wada shaqayn lahaa in doorashooyinku wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen gaar ahaan in doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto taasi oo ay labadan dhinac horeba u shaaciyeen in ay iskula qaateen iyo in meel looga soo wada jeedsado wax kasta oo carqalad ku keeni kara in doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda dhaafto.


Dhinaca kale xogaha shalay naga soo gadhay kulankani waxa ay intaasi ku darayaan in Guddida labaatanka xubnood ka kooban ee shirka laga saaray ay soo dersi doonaan go’aamo midaysan oo ay ka madax dhaqameed ahaan isla qaataan, kana wada shaqeeyaan taasi oo la xidhiidha sidii qaddiyadda khilaafka doorashooyinka ee xisbiyada iyo xukuumadda talada haysa looga ilaalin lahaa in laga dhigo arrimo beelaysan taasi oo ay sheegeen in ay halis weyn ku tahay wada jirka iyo midnimada beelaha Somaliland, guddidanina sidoo kale isku soo duwi doonaan talooyin ay ku muujin karaan aragtidooda la xidhiidha xalka siyaasadeed ee kama dambaysta ah oo ay la wadaagi doonaan cidda ay khusayso marka ay dhinacooda ka soo dhammaato.


Guddidan labada dhinac iska dhex doorteen shalay ayaa la filayaa in ay maantaba bilaabaan wada hadallo iyo shirar hoose oo ay ku soo saaraan ugu dambayn go’aamo kama dambays ah oo ay madax dhaqameedka labadan beelood ka soo saaraan xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ee siyaasadeed iyo amni.

Loading...
Loading...