"Muuse Waa Ninkii Hargeysa Dagaalka Sokeeye Ka Riday" Gud. Faysal

0
Monday June 06, 2022 - 19:43:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Muuse Waa Ninkii Hargeysa Dagaalka Sokeeye Ka Riday" Gud. Faysal

    "Muuse dantiisa ayuu wataa. Dan qaran ma wato dan ummadeed ma wato"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse dantiisa ayuu wataa. Dan qaran ma wato dan ummadeed ma wato"

Hargeysa, - (HWN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa eedo culus waxa uu hawada u mariyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey in uu gabi ahaanba laabay nidaamkii dimuquraadiyadeed ee dalka sidoo kalena isku diyaarinayo in uu dalka ka rido dagaal sokeeye sida uu Faysal hadalka u dhigay. Guddoomiyaha UCID ayaa Madaxweynaha Somaliland waxa uu ku eedeeyey in uu ahaa ninkii dagaalka sokeeye Hargeysa ka riday maantana uu dagaal sokeeye dalka ka ridayo sidaa darteed ay shacabku u diyaar garoobaan isaga oo dhinaca kalena shaaca ka qaaday in bannaan baxyadii ay ku baaqeen xisbiyada Mucaaridka ahi qabsoomayaan hal-ku-dhegiisuna yahay ‘is casil madaxweyne is casil’.



Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ha ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa yidhi: "Waxa cad maanta in Madaxweyne Muuse Biixi ay ka go’an taay in aanu kursiga ka degin sida uu doonana uu ku fadhiyo. Xilku shacabka ayuu saaran yahay. Muuse dantiisa ayuu wataa. Dan qaran ma wato dan ummadeed ma wato. Kursiga ayaana la macaanaaday waxaanu dalku khatar ugu jiraa in uu saacaddii 1994-kii uu ahaa isaguna ahaa xubnaha ugu waaweyn ee dagaalkaasi sameeyey in uu maantana dalka gaadhsiiyo ayuu u diyaar yahay. waxaan idin waydiinayaa qof iyo qaran iyamaa weyn?. Waxaan leeyahay dadka waddanka maal gashaday ee hantida ku leh ee aan hadlayn maalin kale ayaad garan doontaan haddii aad Muuse ka hor tagi waydaan. Belaayo waa laga hor tagaa. Muuse Biixi wuu soo af jaray nidaamkii dimuquraadyadeed ee ahaa hal qof iyo hal cod. Sharci aan oollin oo aan samaysnayn ayuu leeyahay waan hir galinayaa. Ninkaa maxkamadda oo hadda noqday karaani isaga meesha u jooga ayaa meesha ku soo tuuray kelmaddaa. Guddoomiye maxkamadeed oo aan eegin sharciga oo eegay waxa uu Madaxweynuhu doonayo wax lagu dhaqi karo dalka maaha. Ugu dambayn waxa uu shalay baabi’iyey Komishankii doorashooyinka. Sidaa awgeed waxaan leeyahay Madaxweyne waa in aad kursiga bannaysaa. Si dalka loogu doorto Madaxweyne dadku ku kalsoon yahay. Axsaabtu ku kalsoon yihiin oo dalka doorasho gaadhsiiya. Taasina waxa ay ku imanaysaa habkii Boorama lagu sameeyey. Maadaama aad soo gawracday nidaamkii doorashada tooska ahaa habka kali ah ee innoo furani markaa waa kaasi Boorama. Shanti sano ee aad dalkan wadday waa la arkay awooddeedii ma lihid. Muuse waxba ma wadi karo ee maanta yaanu madaxa isku keen galinin.


Waxa uu marayaa halkii 1992-kii uu curyaamiyey Golihii Dhexe ee SNM ee Ibraahim Maygaag Samatar Guddoomiyaha ka ahaa ee Kooramkii gaadhi waayay. Maantana waxa uu baabi’inayaa rukumadii dimuquraadiyadda Somaliland ku dhisnayd oo ah axsaabtii qaranka. Wax la qaato maaha idinkana waan idin baabi’inayaa anna waan joogayaa. Haddaba waynu wada baaba’aynaaye shir beeleed baynu qabsanaynaaye badbaado qarane u diyaar garaw. Tanu kuu suurto gali mayso korodhsi ku heli mayside ka joog baanu ku leenahay. Kuwa sacabka u garaacaya ee reer ahaan ugu garaacaya ee shaqaale ahaan ugu garaacaya ee mansab yar oo uu u dhiibay ugu garaacaya waxaan leeyahay maalin kale ayaad garan doontaan. Haddii aad qofka qaldan joojin waydaan maalin kale ayaad garan doontaan. Waar shacabkow kaca oo dhallinyaradaay kaca oo iska qabta Muuse ayaan idiin leenahay. Shaydaan baa la faqay oo dantiisa ayuu wataa ee ka joojiya ayaan leenahay”.


"Mudaharaadkii waxa uu marayaa halkii ugu dambaysay qaban qaabadiisii waa soo dhammaanaysaa mid nabad galyo ah ayaanu qabanaynaa boodhka waxa lagu diyaariyay waar is casil, is casil, is casil, Muuse ha banneeyo kursiga weeyi astaanta mudaharaadku. Digteetar ma rabno. Ha baxo ayaan leenahay taasi ayaana innoo ballan ah. Waxa la yidhaahdaa taariikhdu dib ayay isku soo celisaa. Ilaahay kama dhigo. Sannadkii 1994-kii iyada oo markaa la sameeyey 500 oo askari oo ciidan ah. Muuse oo intaa haysta ayaan Finland kala soo hadlay waxaan ku idhi waar Muusow dagaal ha ridin. Waxa uu sabab ka dhigay dhalinyaradii joogtay Madaarka oo uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wada hadallo la wado. Ayuu weerar ku qaaday. Maantana waxa ay u eg tahay Ilaahay kama dhigee mid sabab ka dhiganaya xeerkaa aan jirin ee doorashada ururrada ee tooska ah in uu maantana tii oo kale qas innagu galiyaa ururro toos ah oo aan sharci ahayn oo dadka kiciya. Ninku waa ninkii habkiisu waa habkii dhaqankiisu waa dhaqankii. Wax u kordhay ma jiro  ”.  Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

Loading...
Loading...