Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Dhaliilay Ururrada Siyaasadda Ee Illaa Hadda Lagu Dhawaaqay & Sababta

0
Monday June 06, 2022 - 19:36:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Dhaliilay Ururrada Siyaasadda Ee Illaa Hadda Lagu Dhawaaqay & Sababta

    "Nasiib darro, ilaa hadda ururada lagu dhawaaqay waa qof keligii ku dhawaaqay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nasiib darro, ilaa hadda ururada lagu dhawaaqay waa qof keligii ku dhawaaqay"

Hargeysa, - (HWN)- Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee sharciga bartay inta baddanna ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo sharciga ayaa waxa uu Ururrada illaa hadda lagu dhawaaqay ku tilmaamay kuwo nin kali ahi ku dhawaaqay oo aan waxba dhaamin xisbiyadii marka hore dadka qaar eedaha ugu jeedin jireen in cido gaar ahi leeyihiin oo aan lagu tilmaami Karin xisbiyo qaran.



Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac oo faallo kooban ka bixiyay xaaladda ururrada siyaasadda ee lagu dhawaaqay illaa hadda iyo guud ahaan muranka taagan ayaa waxa uu qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook shalay ku baahiyay ku yidhi sidan:


"In ururada la furo iyo in xeerarkiisu dhaqangal yihiin ayaan in mudo ah ka mid ahaa dad kala duwan oo olole u galay. Ujeedada aan ka lahaa ma ahayn in aan urur ka mid noqdo waayo anigu siyaasi ma ahi, qorshaha dhowna iiguma jirto inaan siyaasadda galo. Waxa aan u dan lahaa in xeerka la fuliyo iyo in la helo xisbiyo aan qof lahayn si looga baxo dhibta ay keeneen xisbiyadda hada jira ee noqday wax gaar loo leeyahay.


Nasiib wanaag ururadii waa la furay oo diiwaangelintoodii ayaa dhowaan furmaysa, wax dood ahina kama taagna. Waxa muran ka jiraa xilliga ay dhacayso iyo sida ay u kala horaynayaan labada doorasho balse furista ururada iyo tartankooda la iskum ahaysto hada.


Nasiib darro, ilaa hadda ururada lagu dhawaaqay waa qof keligii ku dhawaaqay urur. Waa hab la mid ah wixii laga cabanayay ee lagu diidanaa xisbiyada hada jira. Maaha xisbiyadu inay noqdaan shirkad qof furtay. Sida hada xaalku u socdo waa inaan waxba iska bedelayn sidii markii hore siyasaddu ahayd.


Waxa aan markaas u soo jeedinayaa dadka ururada furtay ama doonaya inay furtaan inay habkaas wax ka bedelaan oo ay sameeyaan ururo dad siman ay xubno ka yihiin oo aan la kala lahayn. Ururo ay xubno ka yihiin dad isku mabda’ ah oo wax wadaaagga. Maaha in xaalku noqdo hebel/hebla ayaa urur furtay sidii oo ururku yahay tukaan”. Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac oo arrintan ka faalloonayay.

Loading...
Loading...