Caasimada Hargeysa Uma Baahna Mudaharaad"

0
Monday June 06, 2022 - 10:07:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caasimada Hargeysa Uma Baahna Mudaharaad"

    Siciid Nuur ayaa waxa uu sheegay in aanay Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siciid Nuur ayaa waxa uu sheegay in aanay Hargeysa




Xoghayaha Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa ugu baaqay Shirkadaha Korantada in ay hoos u dhigaan qiimaha laydhka ee ay kordhiyeen.



Siciid Nuur Jaamac oo shalay u Waramayay Warbaahinta SLNTV ayaa waxa uu sheegay in aanay ahayn wakhti la kordhiyo Qiimaha laydhka, maadaama oo dalka ay ka jiraan Sicirbarar.


Siciid Nuur Jaamac oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi "Waxa aanu ugu baaqaynaa Shirkadaha laydhka qiimo koradhka laga soo sheegayo in aanay ahayn Maalin wax la kordhiyo, Sicir bararka lagu jiro iyo wakhtiga adag ee lagu jiro waana in qiimaha hoos u dhigaan,”.


Siciid Nuur ayaa waxa uu sheegay in aanay Hargeysa u baahnan Mudaharaad laga sameeyo. Waxaana uu yidhi "Hargeysa uma baahna Mudaharaad ee waxa ay u baahantahay in la qurxiyo. anaga lexo jeclo faro badan ayaa naga haysa Magaalada Hargeysa, intan aanu soo dhisnay hawl badan iyo tacab badan ayaa naga gashay, Mudaharaadku waa rabashad iyo caagado la tuuro dadka waxa ka shaqaynaya msakaxdooda waa in xisbiyada iyo dadka ku mashquulaan sidee ayaan Magaalooyin keena u qurux badnay siinaa.


Sidoo kale Siciid Nuur ayaa waxa uu sheegay in wax ka qabteen bilicda iyo Wadooyinka Magaalada Hargeysa.Waxaana uu yidhi "Hamigayaga waxa weeye Hargeysa qurxoon dardar galinta ugu badan ee aanu hayno waxa weeye bilicda Hargeysa,waxa aanu kor u qaadnay bilicda Magaalada Hargeysa,waxaana Magaalada ka hirgalinay wadooyin badan oo intii ugu dambaysay gabogabo ku dhawdahay waana hiigsiga ay u baahantahay Caasimadda Hargeysa”.

Loading...
Loading...