Shirka Machadka Brenthurst Waa Fariin Cad Oo Tilmaamaysa Sida Caalamka U Aaminay JSL…"

0
Monday June 06, 2022 - 10:03:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirka Machadka Brenthurst Waa Fariin Cad Oo Tilmaamaysa Sida Caalamka U Aaminay JSL…"

    "Khubarada shirka ka qeybgalay waxay ka socdeen jaamacado Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khubarada shirka ka qeybgalay waxay ka socdeen jaamacado Maraykanka




Md. Jaamac Muuse Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in ku qabshadii shirka ee hargeysa keliya guul u ahayn Somaliland, balse guud ahaan qaarada Afrika, isla markaana tilmaamayso sida caalamku u aaminay Somaliland



Md. Jaamac oo ah la taliyaha Madaxweynaha JSL ee Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in shirka oo machadka Brenthrust soo qabanqaabiyey ay ka soo qeybgaleen khubaro ka socotay jaamacado waaweyn oo caalamka ku yaal, isagoo yidhi,


"Khubarada shirka ka qeybgalay waxay ka socdeen jaamacado Maraykanka, Ingiriiska, Koonfur Afrika, Yuganda, iyo dalal badan oo qaarada Afrika ah. Dadka yimi shirka waxay ka koobnaayeen khubaro cilmi-baadheyaal ah, arrimaha nabada, arrimaha dawlad-dhiska Afrika aqoon sare u leh.


Mar la weydiiyey muhiimada shirku u leeyahay dalka ayu uku jawaabay, "Machadka Brenthurst inuu shirkiisa ku qabsado waa fariin cad oo tilmaamaysa sida caalamka u aaminay Somaliland, jawigeeduna isu-bedelay. Sidii Madaxweynahu sheegay Somaliland waxay tusaale lagu deydo u noqonaysaa Qaaradda Afrika, marka la eego nabada, nidaamka dimoqraadiyadda, dhinaca is-ogolaanshaha, oo ah fariinta ay dunida u dirayso.


Mar uu ka hadlayey isbedelka siyaasada caalamka ee ku waajahan Somaliland ayuu Md. Jaamac sheegay in markaad eegto Socdaalkii wefdiga Madaxweynahu ku tageen Maraykanka, socdalakii Wasiirka Khaarajiga & wefdigiisu ku tageen Ingiriiska iyo wefdiga Khubaradan muujinayaan isbedelka cusub.


Md. Jaamac ayaa sheegay in shirka lagu soo gebagebeeyey Hargeysa, keliya guul u ahayn Somaliland, balse sidoo kale guul u tahay qaarada Afrika, waxaanu yidhi,


"Khubaradii Shirka joogay waxay ku faanayeen inay joogaan dal Afrikaan ah, kaga hadlayaan dimoqraadiyadda, oo tusaale u noqon kara dalal badan oo qaarada Afrika ah.

Loading...
Loading...