'Dhaxalkii Meles Zenawi ee Geeska Afrika'

0
Monday June 06, 2022 - 09:58:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Dhaxalkii Meles Zenawi ee Geeska Afrika'

    waa maqaal uu November 17, 2012kii, Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ku qoray Al Jazeera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa maqaal uu November 17, 2012kii, Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ku qoray Al Jazeera

'Dhaxalkii Meles Zenawi ee Geeska Afrika' waa maqaal uu November 17, 2012kii, Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ku qoray Al Jazeera oo uu kaga warramaayo raadadka siyaasaddeed ee Meles Zenawi uu kaga tagay Geeska Afrika.



Professor Samatay ayaa waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay "qof kasta oo dhawaan bookhday dalka Itoobiya waxa uu arki karaa boodhadhka waddooyinka muhiimka ah laga taagay ee loogu baroordiiqaayo Meles Zenawi kaas oo geeriyooday laba bilood ka hor. Shaashadaha muuqbaahiyeyaasha Itoobiya ayaa lagu xardhay sawirkiisa, waxaana waddooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinka lagu dhejiyay sawiro muujinaaya xusuustiisa. Waxa sidoo kale wadooyinka lagu xardhay halkudhigyo laga soo xigtay madaxdii Afrikaanka ahayd ee ka qayb galay aaska Zenawi oo ugu yeedhay in uu ahaa halyaygii Afrika iyo wiilkaa qaaradda. Waxay ku tilmaameen in uu ahaa hoggaamiye horumar u horseeday dalkiisa Itoobiya iyo qaaradda Afrika. Hoggaamiyeyaasha hadaladan quruxda badan laga soo xigtay waxa ka mid ah qaar siyaasadahooda iyo aragtiyahoodu ay curyaamiyeen nolosha dalalkooda. Waxa kuwaas ka mid ah Maxadweynihii hore iyo Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya kuwaas oo markii ay xukunka joogeen adeegeyaal u ahaa Meles Zenawi.


Waxa haddaba is waydiin leh, jacaylka badan iyo boodhadhka waddooyinka la sudhay ma ka turjumayaan jacayl iyo dareen dadweyne oo loo hayo Zenawi. Gaar ahaan dadkiisa reer Itoobiya iyo dalalka deriska la ah oo siyaasadihiisu ay raadadka ugu xoogga badan kaga tageen.


Marka gees la iska dhigo dacaayadaha iyo xayaysiiska xisbiga talada haya ee Itoobiya uu faafinaayo iyo hadalada saaxiibtinimo ee hoggaanka Afrikaanka qaarkood ay gudbinayaan; dhaxalka Meles waxa uu run ahaantii u muuqdaa mid mudan in si feejigan loo eego, sooyaalkiisa taariikheedna loo diiwaangeliyo si taxadir leh. Marka laga hadlaayo taariikhda iyo dhaxalka Meles, waxa laga eegi karaa laba dhinac oo muhiim ah: raadadkii taariikheed ee uu kaga tagay gudaha dalkiisa Itoobiya iyo saamayntiisii gobolka Geeska Afrika. Marka aynu doonayno in aynu si buuxda u fahamno Meles, waa in aynu eegnaa sidii ay xaaladda gobolku ahayd markii uu xukunka la wareegay isaga iyo xisbigiisu sannadkii 1991kii.


Ugu horrayn, Itoobiya waxay la daalaadhacaysay saamaynta abaartii iyo macaluushii dhacday sannadkii 1984kii oo kumannaan Itoobiyaan ahi ay ku dhinteen. Sidoo kalena waxay Itoobiya si xun ugu dhiigbaxday dagaalladii lagaga soo horjeeday kaligiitaliska Itoobiya oo ka socday Eritrea, gobolada Tigray, Oromia iyo gobolka Soomaali Galbeed. Dhibaatooyinkaasi waxay Itoobiya geliyeen jahawareer dhinac walba ah. Ciidamadaii xorraynta dadka reer Eretria waxay la wareegeen magaalada caasimadda u ah dalkooda ee Asmara, ciidamadii xulafada la ahaa ee TPLF ayaa iyaguna ku sii durkaayay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Taasina waxay godka geerida u sii jiidday taliskii Itoobiya. Iyada oo laga warwarsanyahay waxa xigi doona, jabhaduhuna ay kulaalayaan Addis Ababa, dhinaca kalena ciidamo iyo jabhado abaabulan oo Oromo ahi ay joogaan nawaaxiga Addis Ababa, lagana cabsi qabo in ay xaaladdu faraha ka sii baxdo; ayay dawladda Maraykanku dhinacyada isaga dabqaadday, taas oo ugu dambayntii keentay in si nabadgelyo ah ay TPLF kula wareegto Addis Ababa, waxaana caasimadda ka baxay hoggaamiyihii Itoobiya, Mengistu. TPLF waxay isfaham la gaadheen OPD oo ah urur aan taageero badan ka haysanin dadka Oromada ah, ka dibna waxay aasaaseen xisbiga EPRDF, balse waxa awoodda iyo xukunku ay si rasmi ah gacanta ugu jirtay TPLF. Waxa markiiba qorshahan ka horyimid jabhadda Oromada ee OLF, taasina waxay keentay in dawladda Itoobiya ay si rasmi ah u burburiso xarumihii ururkaas.


Muddadaas uu Meles hoggaaminaayay Itoobiya, waxa la buunbuuniyay ereyada dimuqraadiyadda, nabadda, wadajirka, iyo horumarka qaranka Itoobiya; laakiin xaqiiqadu waxay ahayd in si weyn meesha looga saaray dhammaan xuquuqihii aasaasiga ahaa iyada oo ay taasi keentay in la waayo cid si muuqata u dhaliili karta siyaasadaha Meles.


Sidaas oo ay tahay; haddana dhinaca Itoobiyaannimada iyo qoomiyadnimada, waxaan ku qeexi karaa in Meles uu ahaa nin waddani ah oo Itoobiyaan ah. Waxa jira dad aaminsan in uu ahaa nin qoomiyaddiisa Tigrayga si xooggan u dhisay dhinac walba, una diyaariyay in ay Itoobiya ka go’I karaan mustaqbalka, haddii loo baahdo. Waxa jira sidoo kale, dad badan oo Meles ku dhaliilsan in uu khayraadkii iyo dhaqaalihii Itoobiya u gacangeliyay qoomiyaddiisa Tigrayga. Arrimahaas oo ay dhammaantood suurtogal tahay in ay run yihiin; haddana inaad waddani Itoobiyaan ah oo dalkiisa difaaca ahaato, kuuma diidayso inaad dhinaca kale qoomiyaddaada u sedburiso, sida uu Meles aaminsanaa. Sida ay ficiladiisu muujinayaan; Meles waxa uu ahaa nin aamisan sarraynta iyo ilaalinta qaranka Itoobiya, sidoo kalena maamulka iyo dawladnimada la jecel in ay gacanta ugu jirto qoomiyaddiisa Tigrayga."


Samatar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi "waxaan bookhday gobolada xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya markii labadii kalitalis ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhaceen; waxaanan arkay dadka labada dhinac ee xuduudaha jooga oo ku naalloonaaya xorriyad. Rejada dadku waxay ahayd horumar iyo in la furo bog cusub oo siyaasaddeed oo labada dhinac ah. Run ahaantii, maamulka cusub ee markiiba ka dhashay itoobiya waxay sii wadeen tallaabooyinkii guunka ahaa ee cadaawadda iyo gumaysiga ku dhisnaa. Tobankii sannadood ee ugu horeeyey xukunka Meles, waxay diiradda saareen sidii ay dalka Soomaaliya u minjo xaabin lahaayeen. Maamulka Addis Ababa, marna dadaal kumuu bixinin in uu la xaajoodo dadka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka ah iyo bulshada kale ee rayidka ah, balse waxay doorbideen in ay isgaashaanbuuraysi la samaystaan qabqablayaashii dagaalka, iyaga oo siyaasad kala qaybin ah ku waajahay xaaladda Soomaaliya, waxaanay soo dhawaysteen cid kasta oo si daacadnimo ah ugu adeegi karta, dantoodana aan ka hor iman karin.


Markii dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaaddeen siyaasadda Itoobiya ee ku dhisan ‘QAYBI OO XUKUN’, Itoobiya waxay sii labanlaabtay cadaawaddii iyo gaboodfalkii ay ka wadday dalka Soomaaliya, waxaanay ciidamada Itoobiya ku duuleen oo ay xoog ku qabsadeen qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho sannadihii 2006dii ilaa 2008dii. Duullaankaas Itoobiya waxa uu meesha ka saaray rejadii ugu dambaysay ee ku saabsanayd in jid cusub oo siyaasaddeed la qaado. Qiyaastii; qof kasta oo waddani ah oo Soomaali ahi, waxa uu maanta Itoobiya u arkaa cadaw taariikhi ah oo soo jireen ah.


Dhinaca Waqooyiga, hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea oo muujin jiray in ay yihiin saaxiib ayaa si lama filaan ah dalalkooda ugu horseeday dagaallo lagu hoobtay oo ay ku dhinteen dad ka badan 100,000 oo qof. Go’aamadii dhexdhexaadinta ahaa ee ay soo saareen dhexdhexaadiyeyaashii caalamiga ahaa, waxa diiday Meles. Taasina waxay keentay in colaadda labada dal ay sii riiq dheeraato.


Run ahaantii dood badani kama jirto in Meles uu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaashii ugu waaweynaa ee soo mara taariikhda Itoobiya, waxaanu bilaabay nidaamka federaalka ee hada lagu maamulo dalkaasi, kaas oo dalka u qaybiyay maammullo ku salaysan qoomiyado. Dadka qoomiyiinta ah ee reer Itoobiya, waxay Meles ku xusuusan doonaan in uu ahaa hoggaamiyihii ku duulay Soomaaliya ee qabsaday caasimadda Muqdisho; dhacdadaas oo ay Itoobiyaan badani guul weyn u arkaan. Sidoo kale, waxa lagu xusuusan doonaa in horumar dhinacyada dhaqaalaha iyo kaabashaaya nolosha ah uu ka hirgeliyay Itoobiya sida caafimaadka, waddooyinka iyo waxbarashada. Waxa lagu xusuusan doonaa hirgelinta biyoxidheenka weyn ee Itoobiya iyo murankii arrintaas ka dhashay ee dhexmaray Itoobiya iyo Masar. Ugu dambayntiina, waxa Meles lagu xusuusan doonaa in uu meesha ka saaray xorriyadaha hadalka, in uu ciidamda dawladda u isticmaalay in uu ku cabudhiyo muwaadiniinta, iyo in uu gacan adag ku maamulay Itoobiya.


Muddo ka badan labaatan sannadood; taliskii Meles waxa uu xasilooni darro iyo argagaxgelin ka waday dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. Meles, waxa uu isku dayay in gobolka oo dhan uu ku maamulo cadaawad iyo cabsigelin, taas oo dhibaato iyo silic u horseedday guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Geeska Afrika. Haddaba, geeridiisa ka dib, waxa la eegayaa jidka ay Addis Ababa qaaddo!"

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...