Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Masuul Sheegay In Muuse Laga Badbaadiyo Dalka

0
Sunday June 05, 2022 - 21:43:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Masuul Sheegay In Muuse Laga Badbaadiyo Dalka

    "Haddaba Xukuumadda oo sas ka qaaday hadddalkaas ayaa xabsiga dhigtay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddaba Xukuumadda oo sas ka qaaday hadddalkaas ayaa xabsiga dhigtay"

Mujaahid Cabdi Kaydsane oo kamid ahaa halgamayaashii SNM oo ay Xukuumadda Biixi xidhay 26 bishii ina dhaaftay ee May 2022-ka ayaa weli Xabsiga ku jira, waxaana la sheegay in loo dhaadhiciyey jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa.

 

Mujaahid Cabdi ayaa la xidhay kaddib markii uu ka hadlay shir ay iskugu yimadeen qaar kamid ahaa halgamayaashii SNM, halkaas oo uu ka jeediyey hadal la xidhiidhay xaaladda dalka, isla markaana uu ku baaqay in loo baahan yahay in dalka lagga bad-baadiyo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin,waxaanu ugu baaqay halgamayaasha SNM inay isu diyaariyaan bad-baadinta dalka markale.

 

Haddaba Xukuumadda oo sas ka qaaday hadddalkaas ayaa xabsiga dhigtay Mujaahid Cabdi Kaydsane,waxaana la sheegay inuu hadda ku xidhan yahay maalintii 12 aad jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa,kaas oo lagga dayrinayo xaaladiisa.

 

Mujaahid Cabdi Kaydsane waxa ka mid ahaa raggii uu hoggaaminayay Alle ha u naxarariistee Mujaahid Lixle ee Jabsaday Jeelka Mandheera wakhtigii dawladdii millatariga ahayd ee Siyaad Barre.


Loading...
Loading...