CIRO Oo Ka Hadlay Xadhiga Xukuumadu Kula Kacday Mulkiilaha Meherad Uu Shaah Kacabay

0
Sunday June 05, 2022 - 12:03:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIRO Oo Ka Hadlay Xadhiga Xukuumadu Kula Kacday Mulkiilaha Meherad Uu Shaah Kacabay

    "Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga"

Hargaysa (HWN) Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani Cabdraxmaan Ciro ayaa ka hadlay Xadhig Xukuumada Muuse Biixi kula kacday Mulkiilaha meherad Xalay ay ku shaaheeyeen Hogaanka Xisbiga Waddani, halkaasi oo dadbadan ay iskugu soo baxeen.



Musharax Ciro ayaana ayaan daro ku tilmaamay xadhiga Muwaadinkaasi, isagoo sidoo kalana xukuumada ugu baaqayn inay degdeg ugu soo celiso muwaadinkaasi xoriyadiisa

 

"Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisana laga qaado oo xabsigana loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan caawa shaaha ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba muujinayey.


Ayaan darro ka weyni ma jirto in Xukuumadda muddo xileedkeedii sii dhammaanayo xeeladeedii iyo xooggeedii ku soo ururisay xadhigga xaq-darrada ah, waxa ay tani muujineysaa in ay lumisay kalsoonidii Shacabka, anniga oo si adag u cambaareynaya xadhig xaq-darrada ah, waxa aan ugu baaqayaa Xukuumadda in xorriyaddiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiso muwaadinkaa maalgashadaha ah” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ciro.

Loading...
Loading...