Xukuumada Oo Xidhay Mulkiilaha Meherad Ay Fadhiisteen CIRO Iyo XIRSI

0
Sunday June 05, 2022 - 10:53:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Xidhay Mulkiilaha Meherad Ay Fadhiisteen CIRO Iyo XIRSI

    "xadhigiisa ayaa loo aanaynayaa in ay daba ku hayso booqashadii Madaxda Xisbiga Waddani"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"xadhigiisa ayaa loo aanaynayaa in ay daba ku hayso booqashadii Madaxda Xisbiga Waddani"

Meherada Sima oo caawa uu ka shaheeyay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaji Xasan, ayay goor dhawayd Ciimadamadda Boolisku waxay Xabsiga u taxabeen Mulkilihii meheradaas Axmed Sayid Haybe Nuur.



Sida uu sheegay Muniir Ahmed Cigal oo ka tirsan Xisbiga Wadddani, Muwaadinkan la xidhay ayaa  ahaa qurbajoog deganaa Waddanka Norway oo maalgashaday Waddankiisa.


Ilaa imika lama oga sababta xabsiga loogu taxaabay, hase yeeshee xadhigiisa ayaa loo aanaynayaa in ay daba ku hayso booqashadii Madaxda Xisbiga Waddani ee meheradiisa fadhiistay iyadoo tageerayaal tirobadan ku soo uruureen goobtay ku sugnayeen.

Loading...
Loading...