Maxay Tahay Abaarta Ba'an Ee Laga Soo Sheegayo Mareykanka?

0
Sunday June 05, 2022 - 10:12:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Abaarta Ba'an Ee Laga Soo Sheegayo Mareykanka?

    "Cimiladu way sii kululaaneysaa, qoyaanku wuu yaraanayaa iyo barafowga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cimiladu way sii kululaaneysaa, qoyaanku wuu yaraanayaa iyo barafowga"

Abaar aan hore loo arag ayaa laga soo sheegayaa galbeedka Mareykanka, waxaana tiro meydad ah lagu arkay harooyinka halkaas ku yaalla oo biyahoodu uu hoos u dhac ku yimid, balse waxaa loo maleynayaa inay jiraan sababo kale oo ka daran. Waa maxay dhibaatooyinka ka dhashay baartaas?



Gobolka Arizona, meel u dhow xadka gobolka Nevada, isla markaana aan ka fogeyn Las Vegas, iyo Harada Mead, oo la sameeyay kaddib dhismihii Biyo-xireenka Hoover, ee Webiga Colorado, waxaa ku taalla harada ugu weyn Mareykanka ee Mead.


Harada, oo biyo siisa ilaa 25 milyan oo qof oo ku nool saddex gobol oo Mareykanka ka tirsan iyo Mexico, ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac baahsan oo biyaha ah, meelaha ku hareereysan ayaa sidoo kale qallalay.


Hoos u dhaca biyaha ee harada ayaa waxay soo saareen meydad lagu tuuray harada oo qaarkood xabbad lagu dilay, iyadoo dadka dilka geystay la sheegay inay u maleynayeen in meydadka ay halkaas ku qarsoomayaan weligoos, balse abaarta ayaa wax ka beddeshay arrintaas.


Iyadoo meydadka harada ay soo tuftay ay tooshka ku ifiyeen taariikhda burcadda hubeysan ee Las Vegas gang, haddana khubarrada biyaha ayaa ka digaya in mustaqbalka la wajahayo xaalad adag, haddii ay hoos u sii dhacaan biyaha harada heer aysan suurto gal ahayn in Biyo-xireenka Hoover Dam uu dhaliyo korornto, amaba uu biyo siiyo bulshooyinka ku tiirsan.


Dowladda ayaana dadka deggan California ugu baaqday inay keydsadaan biyaha si aysan u saameyn gabaabsiga biyaha, iyadoo abaarto ay ka sii dari doonto xilliga xagaaga.


Waxay sidoo kale dadka uga digtay inaysan biyaha beerdareyn oo aysan si xad dhaaf ah ugu isticmaalin waraabka beeraha guryaha, ayna yareeyaan biyaha nadaafadda loo isticmaalo.


Gudaha Los Angeles, dowladda ayaa dadka ka codsatay inay sidoo kale yareeyaan isticmaalka biyaha boqolkiiba 35, kaddib markii gobolkaas laga soo sheegay xaaladda ugu daran ee saameynta abaarta.


Hay'adda hawada ee Mareykanka "NASA", oo la socota heerarka biyaha, ayaa ka digtay in Galbeedka Mareykanka uu galayo mid ka mid ah xilliyada ugu qallalan inta la ogyahay taariikhda dalkaas.


"Cimiladu way sii kululaaneysaa, qoyaanku wuu yaraanayaa iyo barafowga, marka harooyinku way qallalayaan, kaddibna gobollada kulul ee Galbeedka, cawska qallalan dab ayaa qabsanaya," ayuu BBC-da u sheegay GT Reagar oo ka tirsan NASA.


Beeralleyda Mareykanka ayaa haatanba la daalaa dhacaya saameynta abaarta, kaddib markii ay hoos u dhaceen biyaha Harada Mead, oo ay boqolkiiba 75 u isticmaali jireen waraabka beeraha.


In ka badan saddex meelood meel khudaarta Mareykanka waxay ka soo go'daa California, balse dhul ballaaran ayaan haatan waxba lagu beerin maaddaama beeralleydu aysan helin biyo ku filan.


Mid ka mid ah beeralleyda oo lagu magacaabo Bill Dildrich ayaa BBC-da u sheegay in saameynta sanadka soo socda laga arki doono keydadka biyaha, wuxuuna BBC-da la wadaagay qeyb ka mid ah beertiisa oo uu doonayay inuu yaanyo ku beero balse uu biyo u waayay.


Beeralley badan oo ku nool California, oo ku tiirsanaa ceelasha, ayay taabatay saameynta abaarta, iyadoo ceelashaas ay qallaleen, isla markaana qodidda ceelal kale ay u baahan tahay lacag aad u badan.


Meelaha qaar ee gobolka, dadka ayaa ka cabanaya biyo la'aan, waxaana ka mid ah nin magaciisa ku soo koobay Fabian, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay in qoyskiisa oo ka kooban shan ruux ay ku tiirsan yihiin fuustooyin biyo ah oo ay soo iibsadeen, isagoo ka shallaayay inuu u soo guuray meel miyi ah oo ay ka jirto biyo la'aan daran.


Beeralley badan ayaa sheegaya in la joogo waqtigii laga fekeri lagaa in mashaariic biyo laga sameeyo gobolka, sida Harada Hoover, oo la sameeyay sanadihii 1930-meeyadii, si biyaha roobka ee gobollada Xeebaha Galbeed loo keydiyo, intii ay ku hoori lahaayeen Badweynta Baasiifigga.


Inkastoo dadka u dooda arrimaha deegaanka ay guud ahaan ka soo horjeedaan fekerka dhismaha biyo-xireenno cusub, abaarta ba'an ayaa ku qasabtay ururrada deegaanka qaarkood inay ka fekeraan qaar ka mid ah mashaariicdan la soo jeediyay.


Balse fakradaha qaar ee maangalka ah ayaa haatanba soo jiitay dareenka ururradaas. Shirkadda fadhigeedu yahay gobolka Arizona ee Source, oo adduunka ku baahsan, ayaa hirgelineysa fakradda ah in biyo nadiif ah laga dhaliyo hawada iyadoo la adeegsanayo korontada cadceedda laga dhaliyo.


Kate George, oo ah madaxa shirkadda ee California, ayaa qorshahaas ka hirgelineysay kumannaan guryo ah oo ku yaalla halkaas si ay dadku u helaan biyo ay cabaan, maaddaama ay ceelasha qaar sumoobeen sababo la xiriira kiimikada loo isticmaalo beeraha oo ku qubatay.


Mashruucan wuxuu isticmaalaa korontada cadceedda oo kululeynaya hawada kana soo nuugaya qoyaanka, isagoo u beddelaya biyo nadiif ah oo la cabi karo, qalab yar ayaana qoys dhan siin kara biyo ku filan.


Shirkadda ayaa sheegtay in mashruucan uu ku habboon yahay meel walba oo dunida ka mid ah, balse aan biyo badan looga heleynin beeraha.


Harada Mead, oo biyuhu ay gabaabsi ku yihiin ayaa haatan walaac badan dhalisay. Balse waxaa ka aburmay xeebo badan iyadoo ay ku soo qulqulayaan dad badan oo baadigoobaya meydadka qoysaskooda iyo qaraabadooda.

 

BBC

 

Loading...
Loading...