Ukraine Oo Ka Cadhootay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Faransiiska

0
Sunday June 05, 2022 - 10:00:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ukraine Oo Ka Cadhootay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Faransiiska

    "Faransiiska ayaa iskudayaya inuu sii wado joogtaynta wadahadalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Faransiiska ayaa iskudayaya inuu sii wado joogtaynta wadahadalka"

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron kaddib markii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday.



Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vladimir Putin uu heli karo waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu yeeray "khalad asaasi ah" oo uu galay.


Hasayeeshee Dmytro Kuleba ayaa sheegay in xulafada dalkiisa ay tahay "inay si wanaagsan diiradda u saaraan sidii Ruushka halka uu mudan yahay loo dhigi lahaa" maadaama "isagu uu isbahdilayo".


Mr Macron ayaa si joogta ah khadka taleefanka waxa uu kula hadlaa Mr Putin, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal uu isagu garwadeen ka yahay oo la doonayo in xabadda lagu joojiyo wadahadalna lagu furo.


Faransiiska ayaa iskudayaya inuu sii wado joogtaynta wadahadalka uu la leeyahay hogaamiyaha Kremlin-ka taas oo ka duwan aragtida ay qabaan Mareykanka iyo UK.


Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Kuleba ayaa ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka in "wicitaannada lagu doonayo in loogaga hortago in la bahdilo Ruushka ay bahdilayaan oo kaliya Faransiiska iyo dalkiikasta ee kale ee ku baaqa".


Kyiv ayaa sheegtayin Ruushka ay qasab tahay in uusan Ukraine ka helin tanaasul dhuleed, xilli duullaanka Ruushka caalamka laga cambaareeyay laguna tilmaamay gardarro aan loo meeldayin.


Goor sii horraysay, Mr Macron ayaa u sheegay warbaahinta Faransiiska in hogaamiyaha Ruushka "uu naftiisa go'doomiyay".


"Waxay ila tahay waan u sheegay, inuu naftiisa iyo dadkiisaba uu u sameeyay khalad asaasi ah oo taariikhi ah," ayuu yiri.


"In qofku uu isagu is go'doomiyo waa mid, hasayeeshee inay u suuragasho inuu middaas ka baxo ayaa ah mid adag," ayuu ku daray.


Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi ayaa laf ahaantiisa ku ra'yi ah Mr Macron, oo waxa uu tilmaamayaa in Yurub ay doonayso "wadahadallo wax ku ool ah oo lagu kalsoonaan karo".


Dagaal culus oo ka soconaya Severodonetsk

Magaalada bariga ku taal ee Severodonetsk ayaa weli waxa ay udub dhexaad u tahay dagaalka Ukraine ka socdo, xilli ciidammada Ukraine ay si adag isaga difaacayaan taangiyada Ruushka, ciidammada dhulka iyo madaafiicda joogtada ah ee ay la dhacayaan.


Haddii magaalada ay qabsadaan ciidammada Ruushka ayaa taasi waxa ay gobolka Luhansk gacanta u galinaysaa iyaga iyo xulafadooda maxalliga ah ee goonni ugoosadka, kuwaas oo sidoo kale maamula inta badan gobolka dariska ah ee Donetsk.


Barasaabka gobolkaasi ee Ukraine, Serhiy Haidai ayaa sheegay in ciidammadiisa ay dib u qabsadeen ku dhawaad shan meelood oo meel magaalada Severodonetsk ayna sii haysan doonaan.


"Markaannu helno hub riddo dheer oo reer Galbeedka inaga soo gaara, waxaannu aaggayaga ka riixi doonnaa madaafiicdooda. Markaas kaddibna, I aamin, ciidammada dhulka ee Ruushka waa ay iska carari doonaan," ayuu yiri.


Mareykanka ayaa waxa uu qorshaynayaa in ciidammada Kyiv ku hubeeyo hannaanka gantaallada, si ay meel fog uga garaaci karaan aagagga Ruushka. UK aya sidoo kale waxa ay u diri doontaa tiro batariyo waa wayn oo gantaallada ah.


Waxaa magaalada Severodonetsk webiga Siverskyi Donets dhinaciisa kale ka haysa magaalada Lysychansk. Labada magaaladaba waxa ay istaraatiiji ahaan muhiim u yihiin Ruushka: Severodonetsk ayaa waxaa ku yaal warshadda wayn ee kiimikada farsameysa ee Azot, kaas oo soo saarta bacrimiyayaasha nitrogen, halka Lysychansk ay ku taal goobta labaad ee ugu wayn Ukraine ee lagu sifeeyo shidaalka.


Dagaalka ayaa haatan burburiyay inta badan magaalada Severodonetsk, hasayeesehee kumannaan qof oo rayid ah ayaa weli waxa ay gabbaad ugu jiraan dhul dhaca hoose ee guryaha.


Barasaab Haidi ayaa sheegay in ciidammada Ruushka ay burburinayaan buundooyinka ku yaal webiga si ay uga hortaagan in Ukraine ay ciidamo milateri ah oo gurmad ah ay halkaasi geeyaan iyo in gargaar ay dadka rayidka ah gaarsiiyaan.

 

BBC

Loading...
Loading...