Gudidii Doorashooyinka Somaliland Oo Dhamaantood Iscasilay

0
Saturday June 04, 2022 - 19:29:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gudidii Doorashooyinka Somaliland Oo Dhamaantood Iscasilay

    "arintani waxay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"arintani waxay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay"

Hargaysa (HWN) Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Biixi, sida ay shabakada hadhwanaag u xaqiijiyeen Illo-xogogaal ah.

 

Xubnahan ayaa kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar.

 

Saddex xubnood ayaa hore isaga casilay guddida halka xubinta xisbiga UCID-na aan weli Baarlamaanku ansixin.

 

arintani waxay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay.

 

iscasilaada masuuliyiinta kamooshanka ayaa imanaysa xili khilaaf u dhaxeeyo Mucaaradka iyo xukuumada

waxaanay u muuqataa arintani mid dib u dhigi karaysa doorashooyinkiin Somaliland ku soo foodka lahaa


Loading...
Loading...