Magaalooyinka Waawayn Biyo looma Helayo Illaa Biyo Xidheenno la Sameeyo.

0
Saturday June 04, 2022 - 13:35:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalooyinka Waawayn Biyo looma Helayo Illaa Biyo Xidheenno la Sameeyo.

    Boorama oo biyaha u heshaa maalin dhaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama oo biyaha u heshaa maalin dhaaf




Maareeyaha guud ee shirkadda Shaba ee biyaha Boorama Maareeye Cabdiraxmaan Cabdisalaan Sheekh Cali Jowhar,ayaa ka wr bixiyay xaaladda biyaha Boorama halka ay imika marayso higsigooda mustaqbalka iyo xaalad biyo yaraan ah oo ka jirta degmada Boorama.



Waxaa kale oo uu ka hadlay habka keliya ee magaalooyinka waawayni ay kaga gudbi karaan biyo la,aanta oo uu sheegay in ay tahay biyo xidheeno la qabto laakiin inta biyo dhulka hoostiisa laga soo saarayo waxaa uu iftiimiyay in harraadku jirayo.


Maareeyaha shirkadda Shaba ee biyaha Boorama gacanta ku haysaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay korodhka magaalooyinka iyo biyo yaraantu in ay yihiin laba isku lammaan isla markaana mar kasta oo guri soo kordho in uu biyo yaraan soo kordhinay.


Dhinaca kale waxaa uu si wayn ugu mahad naqay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo baahida biyaha Boorama wax wayn kala qabtay isla markaana markasta u diyaar ah in uu gacan ka geysto hadba intay xukuumaddu awooddo.


Geesta kale waxaa uu faah faahin ka bixiyay mashruuc biyo xidheen oo sahankiisa la qaatay sheegayna in uu wax wayn ka tari doono biyo la,aanta Boorama


Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa Boorama ku siiyay wariyeyaal ka tirsan Wargeyska Dawan oo socdaal shaqo ku tegay magaalada Borama xarunta gobolka Awdal.


Ugu horrayn isagoo ka hadlayay xaaladda biyaha Boorama oo wax laga waydiiyay waxaa uu yidhi."Xaalada biyaha magaalada Borama, magaalo ahaan iyaga ayaa dalka ugu roon, biyahana waxa la sameeyay intii ay Somaliland jirtay.


Magaalada hadda 8 ceel ayaa waraabiya, oo laba ka mid ah madaxweynuhu ku caawiyay, waxa ay soo saaraan illaa lix kun oo mitir kuyuub biyo ku dhaw maalintii, wax ay magaalada ka taraana aadbay u kooban tahay, imikana maalin dhaaf ayay biyaha u helaan bulshadu, sababto ah waxa kala batay korodhkii bulshada iyo biyihii ceelasha.


Qaylo dhaan ayaanu dirnay oo wasaaradda ayaanu la hadalay, mashruucan SDF ayaa la keenay, waxaanu bilaabmay 2016-kii waxaanay ahayd in uu 2 sano ama 3 sano ku dhammaado balse ilaa hadda waa uu socdaa, welina nama soo gaadhin, gaabiskaasina waxa uu ka yimid xagga fulinta, mashuur 7 sano socda waa midh sumxaanalah, welina wakhti uu dhammaanayo ma ogin, xukuumadda Somalilandna waa ay ka war haysa.


Hadda xaggaagii ayaa soo galaya magaalada dad badan oo dalxiisayaala oo ka yimaada dalka Jabuuti iyo waddamada Yurub ayaa yimaada, sidoo kale dadkii abnidaradda Soomaaliya iyo colaada Tigreega ka soo cararayba halkani ayay inala joogaan, sannadkastana ilaa kun iyo shan boqol oo guri oo cusub ayaa ku soo kordha magaalada, bulshadii way kordhaysa biyaha aanu u haynaana waa lixdaa kun, isku celcelis ahaan 20 mitir ku yuub wax ka yar ayay maalintii dadku helaan”


Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida looga gudbi karo biyo yaraanta magaalooyinka ayuu yidhi."Biyo riig laga soo saara waxba magaalo uma tarayso, biyaha roobka oo la joojiyo mooye, marka Camuud xaggeeda sare waxa aanu ka diyaarinay biyo qabatin, mashruuc weyn oo laba buurood dhexdooda ah oo la xidhayo, waxaana loo diyaariyay oo markii hore lahayd African Development Bank, anaguna qoraalkii iyo qorshayntiisi ayaanu samaynay, ilaa 25 milyen dolar ah ayaa ku baxaysa, waxaan halkan uga mahad celinaya wasaaradda biyaha iyo madaxweynaha Somaliland oo aad ula socda xaalada biyaha ee magaalada Borama, haddii uu Dhaamkaasi guulaysto biyo badan ayay magaaladu helaysa”


Saamaynta korodhka magaalooyinku ay biyaha ku leeyihiin ayaa ah xaalad kale oo sii laba jibbaaraysa biyo yaraanta jirta Maareeye Cabdiraxmaan oo ka hadlayayna waxaa uu yidhi. "Guryaha aanu bishi galino biyaha 120 ilaa 130 ayaanu galina, wakaalada biyaha ee kale waxa aanu kaga horrayna wax kasta oo horumar ah waanu ku tallaabsana, qadar lacageed oo dhan 8 boqol oo kun ayaanu ka amaahanay, marka 4 ceel iyo meesha biyaha laga soo tuuro intaba solar ayay noo geliyeen, marka inta ugu badan haddii aan cilad ama roob jirin tamarta cadceeda ayaanu isticmaala, bulshada waxa aanu u soo jeedinayna in ay ka faa’idaystaan biyaha mijaroorka biyo yarida sidii looga bixilahaana qayb weyn ayay ka qaadanaysa


Bulshada degmada Borama xaalada biyaha waa ay la socdaan, magaaladu aad ayay u koraysa, biyuhu waa ay kooban yihiin, dadkuna kama war hayo marka in ay biyaha tashiishaan ayaan u soo jeedinayaa”

Loading...
Loading...