Madax Dhaqameedka Iyo Waxgaradka Habarjeclo Oo Ka Shiray Xaalada Somaliland

0
Saturday June 04, 2022 - 10:02:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax Dhaqameedka Iyo Waxgaradka Habarjeclo Oo Ka Shiray Xaalada Somaliland

    "Haldoorka ayaa Madaxdhaqameedka u soo jeediyay qoddobada hoos ku xusan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haldoorka ayaa Madaxdhaqameedka u soo jeediyay qoddobada hoos ku xusan"

Aqoonyahanka iyo Haldoorka Beelaha Habarjeclo ayaa xalay kulan ku qaabilay Salaadiinta, Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Guddida Beelaha Habar Jeclo.



Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa aqoonyahanku iyo haldoorku kula wadaageen Salaadiinta, Xildhibaanada iyo Gudddida Beelaha Habarjeclo nuxurka qoddobo ka soo baxay shir ay Haldoorku yeesheen shalay oo iyaga u gaar ahaa. Haldoorka ayaa Madaxdhaqameedka u soo jeediyay qoddobada hoos ku xusan.


1. XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA: Aqoonyahanka iyo Haldoorku waxa ay muhiimad iyo mudnaan weyn u arkaan in si wadajir ah loo ilaaliyo nabadda, midnimada iyo madaxbanaanida Somaliland, waxa ay u arkaan waajib Qaran si wadajir ah loo difaaco ma’baadiida kor ku xusan. Haldoorku waxa ay xal u arkaan in sidii caadada ahayd khikaafka siyaasiga ah ee taagan, lagu xaliyo wada-hadal, wada-tashi iyo isu-tanaasul.


Haldoorku waxa ay Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Beesha ku boggaadiyeen baaqi NABADEED ay dhawaan ka soo sareen xaalada taagan.


2. MIDNIMADA & WADAJIRKA BEESHA: Aqooyahanka iyo Haldoorka isugu yimi shirka waxa ay isla-qaateen in midnimada iyo wadajIrka beelaha H/jeclo tahay mid muqadas ah, lana xoojiyo wadatashiga beesha dhexdeeda, sidoo kalena meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo wiiqaysa midnimada beesha.


3. TARTANKA GUDOOMIYENIMDA XISBIGA KULMIYE: Aqoonyahanku waxa ay ku booriyeen, kuna guubaabiyeen Salaadiinta, Xildhibaanada iyo Guddida Habarjeclo, in ay dhexdhexaadiyaan una kala xaqsooraan siyaasiyiinta ka tirsan Beesha ee jagadaas damac kaga jiro. Maddaama oo Madaxweynuhu hawshaas u xilsaaray. Aqoonyahanka iyo Haldoorku waxa ay ku kalsooni geliyeen Madaxda kala duwan ee Beelaha H/je lo in ay ku garab taagan yihiin go’aan kasta oo ay soo saaraan.


4. MAHADCELIN: Aqoonyahanka iyo Haldoorku waxa ay Salaadiinta, Xildhibaanada iyo Guddida Beesha uga mahad celiyeen sida hufnaanta leh ee ay uga soo qaygaleen shirka.

Loading...
Loading...