Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Magacaabay Guddi Wasiiro Ah Iyo Hawsha Ay Qabanayaan Oo Uu Shaaciyey

0
Sunday June 02, 2019 - 16:14:18 in News by
  • Visits: 2955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Magacaabay Guddi Wasiiro Ah Iyo Hawsha Ay Qabanayaan Oo Uu Shaaciyey

    Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Magacaabay Guddi Wasiiro Ah Iyo Hawsha Ay Qabanayaan Oo Uu Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Magacaabay Guddi Wasiiro Ah Iyo Hawsha Ay Qabanayaan Oo Uu Shaaciyey


Garoowe(HWN):-Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka.

Image result for axmed karaash madaxweyne ku xigeenka puntland


Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadkudadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland.


Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay’addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn.


Guddiga ayaa kala ah: –

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Guddoomiye

2. Wasaaradda Hawlaha Guud
G/Ku Xigeen

3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha
Xubin

4. Wasaaradda Maaliyadda
Xubin

5. Wasaaradda Ganacsiga
Xubin

6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
Xubin

7.Wasaaradda Deegaanka
Xubin

8.Wasaaradda Caafimaadka
Xubin

9.Wasaaradda Qorshaynta
Xubin

10.Madaxtooyada
Xubin

11.Taliska Ciidanka Booliska
Xubin

12. Hay’adda HADMA
Xoghayn

13.Hay’adda PHA
Xubin

14.Guddoomiyayaasha Gobolada
Xubin

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku wargeliyey cid kasta oo hawshani khuseyso inay kala shaqeeyaan gurdiga, isla markaasna u fududeeyaan wixii hawl ah ee ay u baahdaan, si ay ugu fududaato hawsha loo igmaday.

Loading...
Loading...