"Dad Baa Yidhaa (Muuse) Waa Kornayl Jaahil Ah…" Cabdiqaadir Xaaji

0
Saturday June 04, 2022 - 09:48:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dad Baa Yidhaa (Muuse) Waa Kornayl Jaahil Ah…" Cabdiqaadir Xaaji

    "Doorashada Ururrada xeerarkeedii diyaar ma aha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doorashada Ururrada xeerarkeedii diyaar ma aha"

Hargaysa (HWN)  Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in uu Muuse Biixi sibadheedh ah udiidanyahay inuu qabto doorshada Madaxtooyada Somaliland.

 



Sidoo kale Jirde ayaa intaasi ku daray in doorashada ururada Siyaasada aanu xeerkeedii diyaar ahayn, Cabdiqaadir Jirde ayaa yidhi "Dad baa yidhaa (Muuse) waa kornayl jaahil ah, aniguba kornayl baan ahaa markaa ma jiro kornayl Jaahil ah garasho la'aanna kama aha ee inta aan garanayo iyo inkabadan ba wuu garanaya laakiin, waa badheedh.

 

Doorashada Ururrada xeerarkeedii diyaar ma aha, wakhti la qabanayana lama yaqaan laakiin, waxa inoo diyaar ah doorashada madaxtooyada oo xeerarkeedii iyo miisaaniyaddeedii ba diyaar yihiin. Doorashada madaxweynuhu sabab allaale sabab ay dib ugu dhacdaa ma taallo.” Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde

Loading...
Loading...