Xaalada Abaarta Somaliya Oo Meelxun Maraysa & Sheekooyin Naxdinleh Oo Ka Soo Baxaya

0
Saturday June 04, 2022 - 09:36:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Abaarta Somaliya Oo Meelxun Maraysa & Sheekooyin Naxdinleh Oo Ka Soo Baxaya

    "Carruurta ayaa walaaca ugu daran ee abaarta laga muujinayaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Carruurta ayaa walaaca ugu daran ee abaarta laga muujinayaa"

Soomaaliya ayaa noqday dalka ay sida ugu daran u saameysay abaarta ka jirta Bariga Afrika. Dadka wajayaha gaajada ayay tiradoodu korortay boqolkiiba konton dhowrkii bil ee la soo dhaafay. Dad badan ayaa barakacay sababahaas dartood, iyadoo ay xaaladda uga sii dartay colaadda Ukraine.

 

Carruurta ayaa walaaca ugu daran ee abaarta laga muujinayaa. Qaramad Midoobay waxay ka digtay in hal milyan iyo afar boqol oo kun oo carruur ah oo ku sugan Soomaaliya ay sanadkan wajihi doonaan nafaqo-darro.

 

Lacagta gargaarka ah ee ay Qaramada Midoobay dalbatay ilaa hadda waxaa la helay boqolkiiba 15 oo keliya. Lacagtaas waxay gargaarka ay u baahan yihiin ugu filan tahay dad aan gaaraynin 3 milyan.

 

Caqabadaha amni ee ka taagan deegaannada qaar ayaa uga sii daraya xaaladda abaarta, maaddaama ay adag tahay in la gaarsiiyo gargaarka yar ee la heli karo.



Geedaha ayaan cuneynay

Hadaba waxa soo baxaya sheekooyiin laga argagaxo oo ku saabsan abaarta xilligan ka jirto dalka Soomaaliya.

Degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay dad ka soo barakacay ayaa lug ku gaaray degmada Dolow kuwaas oo qaarkood ay caruurtoodi ay dhexda uga dhinteen, intii ay ku jireen socdaalka dheer waxay quud ka dhiganayeen qolfo ay geedo ka diireen oo ay si yaryar u jajabiyeen.


Xaawo Aadan khayr oo ka mid ah dadka soo gaaray degmada dolow ayaa BBC u sheegtay intii ay waddada ku soo jireen ay cunayeen qolfaha geedaha.


"Qof baahan oo cunaya geed inta la riiqay cunayay oo xoolihii ay ka baqtiyeen oo shan bilood 6 bilood aan cunto arkin, waana baahanahay," ayay tiri .


Waxa ay intaa ku dartay in intii ay soo socdeen ay ku noolaayeen geedaha oo ay geedaha ay cunayeen.

"Geed ayaan soo hoolay ka dib waan burburiyay , dabka ayaan marinayaa biyo ayaan ku darayaa koobka ayaan ku shubanayaa intaas ayaan ku soo luudayay," ayay tiri Xaawo.


Ibraahim Xassan Isaaq ayaa BBC dhankiisa u sheegay in dhibaato badan ay soo mareey islamarkana ay ku soo jid mareen cunidda qofaha geedaha.


"Waxaa sahay ka dhiganaynay geed la yiraahdo xagar ayaan jajabsaneynay, geedkaasi sida rinjiga ayuu u egyahay waa caleen sida sokorta camal ayaa laga dhigayaa kaligii ayaa dabka la saarayaa marka uu guduuto biyaha ayaa la cabaa," ayuu yiri Ibrahim.


Dad aad u badan ayaa ku barakacaya gudaha Soomaaliya. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in abaartu ay sababtay in ka badan 750,000 oo qof in ay barakacaan, tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

 

BBC

 

Loading...
Loading...