Xukuumadda Somaliland Oo Culimadda Kala Shiraysa Gudashadda Xajka

0
Thursday June 02, 2022 - 21:19:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Culimadda Kala Shiraysa Gudashadda Xajka

    Xukuumadda Somaliland Oo Culimadda Kala Shiraysa Gudashadda Xajka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland Oo Culimadda Kala Shiraysa Gudashadda Xajka


Hargeisa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa shir la yeelatay culimadda dalka iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka, kadib markii ay Somaliland saluugtay tiradda ay Soomaaliya siisay ee sanadkan tegaysa Xajka.


Shir uu guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray caqabadaha soo wajahay dadkeenna ee ku saabsan gudashada waajibaadka.


Gaar ahaana qoondada ay dawladda federaalka Soomaaliya Somaliland siisay ee ah 350-ka ah ee loo qorsheeyey dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaasi waxaa ka soo qayb galay culimada dalka qaarkood iyo qaar ka mida shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ee Somaliland ka hawl galla.

Waxaana kulankaasi fariin muhiima looga diray wakiillada shirkadaha Diyaaradaha dalka ka hawl-gala oo looga digay inay ku tallaabsadaan arrimo ka soo horjeeda mawqifka xukuumaddu ka qaadatay qoondada Xajka.

Waxaana ka mid ahaa Qodobadaasi:-

1- shirkadaha, iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban.

2- Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay la socodsiinaysaa dawladda Sucuudiga, maadaama ay guud ahaan umuadda muslimka ah ay mas’uul uga yihiin arrimaha xajka in ay Soomaalya siyaasadaysay xajkii, kaas oo ah mid ka mida arkaanta Islaamka. Haddii arrintan si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxa ay keenidoontaa in dadkayagu aanay xajin sanadkan.

3- Ugu dambayn, waxaa la farayaa daneeyayaasha arrimaha xajka, shirkadaha xajka ka shaqeeya iyo xamladahaba in ay u hoggaansamaan go’aankan maanta la wada qaatay, oo aanay dhici karin in cidi baal marta.

Loading...
Loading...