Kulan Dhex-maray Wasiirka Deegaanka iyo Guddi Hoosaadka Khayraadka Wakiillada Somaliland

0
Thursday June 02, 2022 - 20:52:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Dhex-maray Wasiirka Deegaanka iyo Guddi Hoosaadka Khayraadka Wakiillada Somaliland

    Kulan Dhex-maray Wasiirka Deegaanka iyo Guddi Hoosaadka Khayraadka Wakiillada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Dhex-maray Wasiirka Deegaanka iyo Guddi Hoosaadka Khayraadka Wakiillada Somaliland


Hargeisa(HWN):-Guddi hoosaadka khayraadka Dabiiciga ah ee golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Xafiiskiisa kulan la yeeshay Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka Cimillada Somaliland.


Kulankaasi waxaa Wasiirka ku wehelinayay qaar ka mida Agaasime-waaxeedyadda Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka Cimillada Somaliland.


Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha noocyadda khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland iyo doorka wasaaradda deegaanka ee ilaalinta ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.

Kadib markii kulankaasi dhamaaday ayaa waaxda warfaafinta ee wasaaradda deegaanku waxay baahiyeen qodobadii shirkaasi la iskula soo qaaday iyo waxyaabihii ay labadda dhinac iskula qaateen.

Waxaana ka mid ahaa:

1. Sidii Golaha wakiilada iyo Wasaaradda deegaanka ugu wada shaqeyn lahaayeen Sharciyada khuseeya ilaalinta Deegaanka.

2. Sidii xeerarka ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta waxka bedel iyo kaabis loogu samayn lahaa.

Waxa kale oo Shirkan lagaga wada hadlay guud ahaan sidii loo wada ilaalin lahaa Khayraadka Dabiiciga ah ee Waddanku leeyahay.

Waxaana ugu danbeyntii laysla qaatay In Golaha Wakiilada Wasaaraddu ka wada Shaqeeyaan waxkasta oo Faaiido u keenayaa Deegaanka si wada jirana looga hortago. Dhibaatooyinka Deegaanka

Waxaana loo balamay in kulamo kale oo lagu dardargelinaayo Shaqooyinkan layskugu yimaado Maalmaha soo socda.

Loading...
Loading...