"Ninkii dalka ugu sareeyay Muusig la yidhaa jannaa lagu jiraa ayaa u baxaaya" Xisbiga WADDANI

0
Thursday June 02, 2022 - 17:41:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ninkii dalka ugu sareeyay Muusig la yidhaa jannaa lagu jiraa ayaa u baxaaya" Xisbiga WADDANI

    "Ninkii dalka ugu sareeyay Muusig la yidhaa jannaa lagu jiraa ayaa u baxaaya" Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninkii dalka ugu sareeyay Muusig la yidhaa jannaa lagu jiraa ayaa u baxaaya" Xisbiga WADDANI


Hargeisa(HWN):-Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inaanu waxba kala socon xaalada sicir-bararka.



Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay noloshii ku qaaliyowday, isla markaana waxa uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu aaminsanyahay in wax mushkilad ahi anay jirin.

"Maanta dadkeena biyihii ayaa ku qaaliyoobay, laydhkii ayaa ku qaaliyoobay, maciishadii ayaa ku qaaliyowda, ninkii dalka ugu sareeyay muusig la yidhaa jannaa lagu jira ayaa u baxaya, muusig la yidhaa dalkii wuu barwaaqoobay ayaa u baxaya, muusiga la yidhaa mushkiladiba ma jirto ayaa u baxaya" Ayuu yidhi xoghaye Khadar.

Waxa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi iyo noloshii ay kala go'een, isaga oo tusaale usoo qaatay qudbadii uu madaxweynuhu ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Somaliland.

"Qudbadii ugu danbaysay ee uu madaxweynuhu ka jeediyay golaha wakiilada wuxuu yidhi, 'waddanka sicir bararba kama jiro', qudbadaasi waxay muujisay in madaxwaynaha iyo noloshii kala go'day, oo madaxweynuhu waddanka waxa ka socda aanu war ka haynin" ayuu yidhi xogeeye Khadar.

Somaliland ayaa caalamka badankiisa kala siman qiimaha maciishada oo kor u kacay tan iyo markii uu dilaacay caaqabuqa Covid19, hadana dhaqaalaha iyo wax soo saarka oo aad u hooseeyay ayaa sababay in sicir bararku uu reer Somaliland si gaar ah u saameeyo, sida ay sheegtay Rugta Ganacsiga ee Somaliland.

Loading...
Loading...