Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Ciiddammo Puntland Leedahay Oo Ku Sugan Buuhoodle

0
Thursday June 02, 2022 - 17:04:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Ciiddammo Puntland Leedahay Oo Ku Sugan Buuhoodle

    Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Ciiddammo Puntland Leedahay Oo Ku Sugan Buuhoodle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Ciiddammo Puntland Leedahay Oo Ku Sugan Buuhoodle


Hargeisa(HWN):-Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay ciiddammo uu Mamulka Puntland u soo diray magaalada Buuhoodle, ayaa sheegtay inaanay diyaar u ahayn inay Ciiddankaas la dagaalanto.



Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ku sugnaa barnaamij dadweynuhu su'aalo ku waydiinayeen, oo wax laga waydiiyay ciidamada ayaa sheegay in Somaliland ay dhowrayso badqabka shacabka Buuhoodle, isla markaana anay ku kici doodin wax masuuliyad daro ah.

"Somaliland waxay ka taxadaraysa ... farsamooyinka masuuliyad darada ah, ee siyaasad wayn oo macno lehna aan ku salaysnayn, in ay intay inaga dhex dhacdo dagaal sababto oo dadka shicibka ah iyo inaga ina saamayso, waynu u leenahay awood lakiin, waxaynu diidayna dagaal meel cidlo ah ka bilaabma oo mandaqada saameeya" ayuu yidhi Kaahin.

Wasiirku waxa uu sheegay in dadka Buuhoodle yihiin shacab lamid ah dadwaynaha kale ee ku dhaqan gobolada kale ee Somaliland, isla markaana anay rabin in wax dagaal ahi ka dhaco magaaladaas.

"Dadka Buuhoodle jooga, dadka Hargaysa jooga ayuu lamid yahay, dadka Gabilay jooga ayuu lamid yahay, dadka Laascaanood jooga ayuu lamid yahay, waa dad reer Somaliland ah, markaa in dagaal halkaa ka dhaco oo dadka siyaasada noocaas ah wataa ay sababaan waynu ban baaninaynaa" ayuu yidhi Kaahin.
`
Maamulka Puntland ayaa dhawaan ciidamo boqolaal ah u diray magaalada Buuhoodle, ciidamadaas oo la arkayay iyaga oo lug ku maraya magaalada.

Loading...
Loading...