Madaxweyne Farmaajo Oo Addis Ababa Kula Kulmay Raysal Wasaaraha Itoobiya

0
Sunday June 02, 2019 - 14:57:50 in News by
  • Visits: 1851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Addis Ababa Kula Kulmay Raysal Wasaaraha Itoobiya

    Madaxweyne Farmaajo Oo Addis Ababa Kula Kulmay Raysal Wasaaraha Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Addis Ababa Kula Kulmay Raysal Wasaaraha Itoobiya

 


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Image may contain: 3 people, people standing
Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and suit

Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Boqorka Sucuudi Carabiya.


Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Boqortooyada dalka Sucuudiga waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah.

Image may contain: 11 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people sitting, suit, wedding and indoor
Image may contain: 1 person, suit

Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa dhawr saacadood ku hakaday magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed.


Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka.

Loading...
Loading...