Sidee ku baran kartaa luqadda Ingilishka?

0
Thursday June 02, 2022 - 10:11:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee ku baran kartaa luqadda Ingilishka?

    Marka aan shaqsi ahaan is ka hadlo, waxaan yaraanteyda, jeclaa inaan barto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka aan shaqsi ahaan is ka hadlo, waxaan yaraanteyda, jeclaa inaan barto


Runtii, luqad aadan ku barbaarin oo aanay waalidkaaga kugu anqarin sida lagu bartaa waxay u baahan tahay dadaal joogto ah iyo in aad raacdo qaababka kuu fududeyn karo inaad barato.

Luqadaha dunida, xilligan luqada isku xirta oo la xiiseeyo waa luqadda ingilishka. Sidaadarteed, baa waxaa maqaalkan uga hadli doonaa xog ku sabsan barashadeeda.


Marka aan shaqsi ahaan is ka hadlo, waxaan yaraanteyda, jeclaa inaan barto luqada Carabiga iyo luqadda Ingilishka.

Laakiinse, markii aan dalka meel ka baxsan aaday, waxaan u go'an barashada luqadda Ingilishka, oo aan aad u xiiseyn jiray.

Waxaa har iyo habeen, akhrin jiray oo aan xifdin jiray casharrada aan soo qaato.

Runtii, macalinka si fiican ayuu wax noo bari jiray. Wuxuu shanta maalmood u qeybiyey casharro kala duwan. Maalin waxaa qaadan jiray wada-sheekaysi. Maalin waxaa qaadan jiray wargeyso iyo wararka dunida ee BBC-du tabin jirtay.

Maalin waxaa qaadan jiray erayo iyo weero. Maalin waxaa qaadan jirnay casharro diineed. Maalin waxaa qaadan jiray doodo cilmiyeed.

Intaas oo qaab iyadoo aan luqada Ingilishka ku baran jiray, ayaa waxaa igu adkaatay inaan sidii aan si fiican ugu hadlo.

Waxaa is dhihi karaa inaan fahmi waayey ama inay igu adkaato luqada, waxaa ugu wacnaa anigoo iska aad u da'yaraa oo misane aqoonin daraasada iyo macluumaad laga qoray sida lagu barto luqad.

Runtii, igama go'in haraadkii aan u qabay, barashada Ingilishka, kaman niyad-jabin.

Maxaa yeelay, waxaa ku fikiri jiray inaan u safri doono dalal shisheeye, luqada Ingilishkuna inay iga caawin doonti inaan dadka si wanaagsan ula sheekeysto.

Sidoo kale, waxaan aaminsanaa inay iga caawin doonto buuggagta lugu qoray waxyaabaha cajiibka ah ee dunida ka dhacay.

Si kastaba ahaatee, barashada luqadda Ingilishka, waxaan siiyey waqti iyo dadaal badan, balse nasiib xumo waan solan waayey akhriskeeda, isku xirkeeda.

Waxa iga maqnaa tallaabooyin la raaco. kuwaas oo iga caawin lahaa inaan luqadda si fudud ku barto.
Haddaba tallaabooyinka la raac oo fudeyda barashada luqad waa kuwan:
..........................
* Waa in kugu jiro rabitaan badan.
...........................
Waxaa la daraaseeyey qofka wuxuu si dhab ah u jecel yahay, wuxuu ku bixinaya dadaal badan.
Haddaba tallaabada kowaad waa in aad niyad u haysid, dhib walba oo aad kala kulantana waa in aad u dulqaadan karto.

Waxaa la arkay arday badan oo waxbaran jirtay oo waxbarashadii iyagoon guul ka gaarin ka haray. %80 waxaa u sabab ah niyad uma aanay haynin waxbarashada.

......................
* Casharrada si yar yar oo badneyn maskaxda ugu gudbi.
..........................
Weligaa wax walba oo aad rabto inaad si fiican u baratid, waa in aad in yar in yar u baratid.
Sida gabayda meerisyadooda oo kale loo xifdiyo.

Sidaas, haddii aad yeesho, waxaa marba marka ka sii dambeysa is arki doontaa adigoo wax badan xifdinaya. Sidaadarteed halmar inaad ereyo kugu cusub oo badan dusha ka barato oo luqad shisheeye ah way adeg tahay.

Si aad u hilmaamin erayada, tusaale ahaan; waxaa la qoraa 5, eray oo aad rabto inaad hilmaamin.
Dabadeedna, waxaa la suraa gurigaaga meel ka mid ah, si mar walba indhahaagu u arkaan.
Arrintaas waxaa ku baran kartaa erayo badan. Laakiin isku day' in aad isticmaasho.

Daraasado badan, ayaa lagu sheegay in erayada loo adeegsado sawiro oo indhaha mar walba arkaan in maskaxdu hilmaamin.

* luqadda kula sheekeysiga qof walba oo yaqaano.

....................
Haka ka cabsan, hana is dhihin haddii aad ku hadasho luqadda, waxaa ku hadlaysaa erayo qaldan.
Haddaba haka xishoonin in aad dadka yaqaan, kula sheekeysato luqadda.

Runtii, waxaa jira tiknoolojiyo casri ah oo aad ka heli karto dad si fiican u yaqaano luqadda.
Waxaa laga yaabaa in maalmaha ugu horreeya dareento cabsi waxba haka cabsan.

Sida mar walba lagaaga saxaayo khaladaadka, ayaa waxaa is arki doontaa adigoo aan is ogeyn oo noqdo qof luqadda barta, oo isku qaba kalsooni.

..........................
* Dhageyso tv-yada iyo idaacadaha ku hadlaya luqadda aad rabto inaad barato.

..............................
Xilligan tiknoolojiyada jirto, waxaa si fudud ku heli kartaa codad luqad walba.
Waxaa ku xirnaataa idaacada iyo tv-da.

Taasi, waxay kaa caawineysaa barashada ereyada cusub iyo fahamka dhawaqa luqaddaas.

Waxaa kale oo aad heli kartaa muuqaalo ay ku duuban yihiin dad ku hadlaya luqadda aad baraneyso.
Waxaa sameyn kartaa intaad soo dajisato, in aad waqti walba aad rabto ayaa weliba ku celcelshan kartaa si aad dhaqaaqa erayada ula qabsato.
* Isticmaal qaabab kala duwan.

.......................
Qodobkan, waa qodobka ugu dambeeyo oo aan rabo inaan ku soo gebagebeeyo qoraalkayga.
Qodobkan, waa qodob muhiim ah oo dad badan isticmaalin.

Tani waxay ka mid ah arrimihii i ciilay oo ka maqnaa xilligan billaabay barashada luqadda Ingilishka.
Hadda, waxaa la heli karaa siyaabo badan oo luqadda lagu barto.

Sidaadarteed, ha isku haleynin in aad hal qaab oo kali ah luqadda ku barato.

Maxaa yeelay, luqaddu waa ballaaran tahay, waa inaad hal dhinac kaliya ka baran, waa inaad ka barato meelo kala duwan oo dhammaan muhiim ah.

Sida, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda, taariikhda dhaqanka, diinta iwm.
Si natiijo wanaagsan aad u hesho akhri buugaagta arrimahaas ku qoran.

W/Q/ 

Cabdulqaadir Siiro

 
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...