MD Xasan Sheekh oo sheegay in DFS wadin abaabul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed

0
Thursday June 02, 2022 - 09:49:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MD Xasan Sheekh oo sheegay in DFS wadin abaabul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed

    Madaxweynaha oo ka hadlay kunaasabad xalay loogu sameeyay Magaalada Baydhabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha oo ka hadlay kunaasabad xalay loogu sameeyay Magaalada Baydhabo



Xilli kal hore ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado abaabil ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabad xalay loogu sameeyay Magaalada Baydhabo ayuu sheegay in dadka Koonfur Galbeed dhinaca dowladda Federaalka ay kajirto Nabad, saaxiibtinimo iyo dadkii ay mas’uuliyadda dalka u dhiibteen.



 

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in xilligaan jirin abaabul iyo Colaad ay dowladda Soomaaliya la damacsan tahay Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna ugu baaqay Madaxda iyo Shacabka Reer Koonfur Galbeed ay u midoobaan sidii ay uga gufbi lahaayeen dhibaatada kajirta degaankooda.


Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa siweyn u taageeri jiray nidaamkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo dhowr jeer ka gaabsaday inay ka hadlaan weerar iyo dhibaato loo geystay Madaxweyne Xasan Sheekh inta aan loo dooran Madaxweynaha Soomaaliya.

Loading...
Loading...