Barafasoor Loo Ganaaxay Salaad Uu Tukuday Darteed

0
Thursday June 02, 2022 - 09:30:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barafasoor Loo Ganaaxay Salaad Uu Tukuday Darteed

    "Tallaabadan waxay xadgudub ku tahay dastuurka Hindiya,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tallaabadan waxay xadgudub ku tahay dastuurka Hindiya,"

Maamulka Jaamacad ku taalla dalka Hindiya ayaa fasax ganaax ah u diray barafasoor ka mid ah macallimiintooda kaddib markii uu faafay muuqaal laga duubay isagoo tukanaya.



Ninkan ayaa wax ka dhigayay xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada caanka ka ah dalka Hindiya ee Aligarh.

Qof ayaa muuqaal ka duubay isagoo salaad ku xirtay meel ka mid ah barxadda dhismaha Jaamacadda, halkaasoo u muuqatay in aan loo oggolayn cibaadadiisa.


Markii uu muuqaalkaa qabsaday baraha bulshada. Ururrada dhinaca garabka midig u janjeera ee ka howlgala Hindiya, oo uu xitaa ka mid yahay xisbiga talada haya ee BJP, ayaa billaabay in ay dhaleeceeyaan barafasoorka jaamacaddaas.


Arrintan ayaa sidoo kale si wayn looga hadlay dhinaca baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay kasoo horjeesteen salaadda macallinka, halka qaar kalena ay cambaareynayeen fasaxa halka bil ah ee lagu khasbay barfasoorka.


Hase yeeshee, muuqaalkan ayay markii dambe ka war heleen mas'uuliyiinta ugu sarraysa ee jaamacadda, waxaana la magacaabay guddi soo baara sida ay wax u dhaceen.


Maamulaha Kuleejka, AK Gupta, ayaa wargayska Indian Express u sheegay in uu isagu ku maqnaa fasax marka ay arrintani dhacaysay.


"Xilligaas waan maqnaa, markii aan soo laabtay waxaan dalbaday in xogta la i siiyo. Barfasoorka waxa uu ii sheegay inuu degdegsanaa oo uu ku tukaday dhismaha dhexdiisa. Baaritaan ayaa hadda socda waana eegi doonnaa xaqiiqada jirta. Tallaabo ku habboon xaaladdan ayaa laga qaadi doonaa oo ku salaysan go'aanka kasoo baxa guddiga loo xil saaray," ayuu yiri.


Guddiga la sameeyay maalintii Axadda ayaa lagu wadaa inuu warbixintiisa soo gudbiyo isbuucan gudihiisa, sida ay mas'uuliyiintu sheegeen.


"Kulan ayuu yeelan doonaa guddiga si go'aan looga gaaro in loo baahan yahay raalligelin iyo in kale," ayuu yiri Gupta.


Kooxaha siyaasadaha garabka midig ayaa sheegay in jaamacaddan ay sharci adag ka samaysato arrimahan si aan mar dambe loogu adeegsanin arrimo diimeed.


Abhay Kumar oo ah taariikhyahahan wax ka dhiga jaamacadda Delhi ayaa BBC-da u sheegay inay musiibo tahay in waddankan wayn qaab noocaas ah loogu bartilmaameedsado bulshada laga tirada badan yahay.


"Tallaabadan waxay xadgudub ku tahay dastuurka Hindiya, sababtoo ah dastuurku kaliya ma dhigayo in dadku ay xor u yihiin diimahooda, balse waxa uu sidoo kale dhigayaa in ay xor yihiin inay ku dhaqmaan diimahooda," ayuu yiri.


"Dadka qaarkood waxay waddo kasta u marayaan, xeelad walbana u adeegsanayaan in ay dhibaateeyaan bulshooyinka laga tirada badan yahay ee ku nool Hindiya, gaar ahaan Muslimiinta, dadkaas dhibka wadana waxaa si aamusnaan ah u dhiirrigeliya ficillada dowladda," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Ashok Sawai, oo ah barafasoor cilmiga daraasaynta dagaallada ka dhiga Jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden, ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray: "Kooxaha dhinaca midig ee Hinduuga waxay ka gudbeen xudduudaha."


Muddooyinkanba dalka Hindiya waxaa ka taagnaa doodo la xiriira arrimaha Muslimiinta, mowduuca ugu wayn ee laga hadlana waxa uu ahaa xijaabka gabdhaha Muslimiinta ah.


Bishii Feberaayo gabar Muslim ah ayaa laga hor istaagay inay dhismaha Jaamacaddeeda gasho iyadoo xijaab xiran.


Waxaa baraha bulshada si wayn ugu faafay muuqaal laga arkayay ardayaddan xijaaban oo u socotay fasalkii ay ka dhiganeysay kulliyadda waxbarashada ee degmada Mandya, taasoo ay hor istaageen dad badan oo halkaas ku sugnaa oo ay u badnaayeen rag loo malaynayay inay ka falcelinayeen xijaabkii ay xirnayd.


Gabadhaas oo lagu magacaabo Muskan Khan ayaa isku dayday inay jawaab falcelin ah siiso dadkii isugu soo baxay halkaas iyada ku dhawaaqaysa "Allaahu Akbar".


BBC

Loading...
Loading...