Xukuumada Somaliland Oo Midawga Yurub U Sheegtay In La Qabanayo Doorashada Ururada.

0
Wednesday June 01, 2022 - 17:41:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Midawga Yurub U Sheegtay In La Qabanayo Doorashada Ururada.

    "taasoo ah buu yidhi Wasiirku mid sharci oo tobankii Sanoba mar la qabto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"taasoo ah buu yidhi Wasiirku mid sharci oo tobankii Sanoba mar la qabto"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ay hogaaminaysay Safiirka Midawga Yurub Ambassador Tiina Intelmann, ayna wehelinayeen Safiirka Dalka Sweden u fadhiya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ambassador Per Lindgärd iyo EU Political Adviser Maria GROENEVELD.



Kulankan Wasiirka waxaa ku wehelinayey Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha Guud ee Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil iyo Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Xidhiidhka Hay'adda Siciid Yusuf Cabdi Siciid.


Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa si guud weftiga ugu sharaxay nabadgelyada buuxda ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale Wasiir ayaa weftiga ugu waramay horuumarka ay ku socoto Somaliland, taasoo ay saldhig u tahay wax wada qabsi iyo iskaashi.


Dhinaca kale Wasiirku wuxuu u sharaxay weftiga in ay Somaliland sanadkan u diyaar garoobayso qabashada doorashada ururada,kuwaasoo furmaya bishan Juun, taasoo ah buu yidhi Wasiirku mid sharci oo tobankii Sanoba mar la qabto, waqtigoodiina la gaadhay, sidoo kalena ay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka ka danbeeya ta ururada.


Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Loading...
Loading...