Ujeedada Shir Saylici La Qaatay Culumada Somaliland

0
Wednesday June 01, 2022 - 17:28:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Shir Saylici La Qaatay Culumada Somaliland

    "Waxaana kulankaasi fariin muhiima looga diray wakiillada shirkadaha Diyaaradaha dalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaana kulankaasi fariin muhiima looga diray wakiillada shirkadaha Diyaaradaha dalka"

Hargeysa-(HWN)-Shir uu gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulan la qaatay culimada dalka iyo qaar ka mida shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ayaa lagu lafo-guray caqabadaha soo wajahay dadkeenna ee ku saabsan gudashada waajibaadka xajka gaar ahaan qoondada 350-ka ah ee loo qorsheeyey dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana kulankaasi fariin muhiima looga diray wakiillada shirkadaha Diyaaradaha dalka ka hawl-gala oo looga digay inay ku tallaabsadaan arrimo ka soo horjeeda mawqifka xukuumaddu ka qaadatay qoondada Xajka.



Waxaana ka mid ahaa Qodobadaasi:-

1- shirkadaha, iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban.


2- Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay la socodsiinaysaa  dawladda Sucuudiga, maadaama ay guud ahaan umuadda muslimka ah ay mas’uul uga yihiin arrimaha xajka in ay  Soomaalya siyaasadaysay xajkii, kaas oo ah mid ka mida arkaanta Islaamka. Haddii arrintan si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxa ay keenidoontaa in dadkayagu aanay xajin sanadkan.


3- Ugu dambayn, waxaa la farayaa daneeyayaasha arrimaha xajka, shirkadaha xajka ka shaqeeya iyo xamladahaba in ay u hoggaansamaan go’aankan maanta la wada qaatay, oo aanay dhici karin in cidi baal marta.

Loading...
Loading...