Bukhaari Oo Waxlala Yaabo Ku Tilmaamay Mudaharaadka Mucaaradku Ku Baaqay

0
Wednesday June 01, 2022 - 17:11:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bukhaari Oo Waxlala Yaabo Ku Tilmaamay Mudaharaadka Mucaaradku Ku Baaqay

    "ceeb ayay ku tahay Faysal Cali Waraabe oo 20 sanno guddoomiye ahaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ceeb ayay ku tahay Faysal Cali Waraabe oo 20 sanno guddoomiye ahaa"

Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha Hay’ada Caymiska Qaranka Somaliland Saleebaan Cawad Cali Bukhaari ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

 

Saleebaan Cawad Cali oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Faysal Cali Waarbe ceeb ku tahay in uu yidhaahdo Dhalinyarada ii dagaalama, waxaana uu intaasi ku daray in aanay jirin cid dalka wax yeeli karaysaa.

 

Saleebaan Cawad Cali oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxaan ka hadlayaa buuqan Mucaaradka aloosay waxa aad ula yaabay waxa uu yidhi Faysal Cali Waraabe yaa iskaaya hortaagaya Mudaharaadka aniga Ciro iyo Xirsi ayaa hogaaminaya,waxaana hadal kaasi fajiciso ku noqday Umadda hadii uu ku joogi waayay Faysal Cali Waraabe caqligiisa sharciga dalka ayuu ku joogi doonaa.ceeb ayay ku tahay Faysal Cali Waraabe oo 20 sanno guddoomiye ahaa Saddex jeer ayuu doorashada Madaxweynaha u tartamay waanu ku dhacay,waxaana ay ahayd in uu iscasilo oo Siyaasada ka baxo hadana waxa uu ku hanjabayaa in uu ka soo saarayo Madaxweyne Umadda dooratay in Maanta yidhaahdo dhalinyarada ii dagaalama ceeb ayay ku tahay iyo Umadii taageeri jirtay,”.

 

Sidoo kale Saleebaan Bukhaari ayaa waxa uu sheegay in aan cidna sharciga ka sarayn.Waxaana uu yidhi”Waxa aan qabaa Nina sharciga kama weyna wixii sharciga siiyo ayuu dalka ku leeyahay dadkii taageerayay ayaa ka xumaaday may dhimanaysaan iyo soo xabada isku dhigimaysaan,Faysal iyo Cirro caruurtooda waxa ay joogaan dibadaha waxa ay doonayaan raga caruurtooda guryaha u joogta in kursiga ku gaadhaan.wixii doorasho lagu waayo lagu heli maayo iswaal,Xirsi waa Ninkii gacanyaraha ka dhigtay Madaxweyne Siilaanyo.waxaana uu damcay in gurigii uu ku jiray uu dumiyo raad kiisii ayaa sii qoyan,saddexdooduba maaha rag cusub waxaana aan leeyahay saddexdaa Nin waxba yeeli kari maysaan dalka,”.


Loading...
Loading...