CIRO Oo War Ka Soo Saaray Mudaharaadka Mucaaradku Ku Baaqay

0
Wednesday June 01, 2022 - 12:48:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIRO Oo War Ka Soo Saaray Mudaharaadka Mucaaradku Ku Baaqay

    "Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah"

Hargaysa (HWN) Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay qaban-qaabada iyo diyaar-garowga mudaharaad salmi ah oo ay hore ugu baaqeen xisbiyadda mucaaridka ahi, waxaanu farriin u diray shacabka Somaliland gaar ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI

 

"Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah, waana uu dhacayaa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana ma jirto, qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa nabadeedna sidiisii ayuu u socdaa. Hay’adaha amniga waxaa ku waajib ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba.

 

Ciidamadda qalabka sida ee Qaranka JSL waxa aan uga digayaa in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee Xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee ay dalka ka waddo. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub waxaa ka dhalan doona ciqaab iyo isla-xisaabtan, Shacabka & Sharciguba midna saamixi maayo.

 

Dhawaan waxaa dhalan doonna isbeddelka Shacbigu hoggaaminayo "

 

#13november2022

W/Q Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)


Loading...
Loading...