Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka.?

0
Wednesday June 01, 2022 - 10:35:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka.?

    Ajendaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ajendaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta



Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soonaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ka qabsoomaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.


Ajendaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, iyada oo Xildhibaannada xalay loo diray farriin ah inay kulanka soo xaadiraan.



 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaan kulmin tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-kii Bishii May, waxaana la rumeysan yahay in badi ay ku maqan yihiin dalka dibaddiisa.


Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah, sida ka doodista iyo ansixinta Sharciyo qaarkood aan la horgeyn Baarlamaankii 10aad iyo Shaqooyin kale oo aad u adag.

Loading...
Loading...