Lax Lagu Xukumay Saddex Sano Oo Xadhig Ah Kadib Markii Ay 'Dishay' Haweenay!

0
Wednesday June 01, 2022 - 09:05:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lax Lagu Xukumay Saddex Sano Oo Xadhig Ah Kadib Markii Ay 'Dishay' Haweenay!

    "neefka idaha ah ayaa feeraha hardi kala dhacay haweeneyda waxyar kaddibna waa ay dhimatay."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"neefka idaha ah ayaa feeraha hardi kala dhacay haweeneyda waxyar kaddibna waa ay dhimatay."

Sida ay baahisay warbaahinta Eye Radio ee South Sudan, maxkamad maxalli ah ayaa saddex sanadood oo xarig ah waxa ay ku ridday neef ido ah kaddib markii lagu helay inay dishay haweeney ku sugneyd meel garoon ah.



Neefka idaha ah ayaa horraantii bishan waxaa lagu xiray South Sudan kaddib markii ay weerrartay haweeneyda, taas oo markii dambe u dhimatay dhaawacyadii soo gaaray, sida lagu sheegay warbaahinta MSN.


Booliska South Sudan ayaa dhanka kale u sheegay Eye Radio: "Neefka idaha ah ayaa hardi ku weeraray haweenayda oo heeraha ayey ka jajabisay, waxaana ay sheegeen in haweeneydu ay markiiba dhimatay.


Neefkaas ayaa markii uu soo dhammaysto xabsiga waxaa lagu qasbayaa inay la noolaato qoyska dhibbanaha.

Sida lagu baahiyay warbaahinta NDTV, maxkamad maxalli ah ayaa waxa ay kaloo xukuntay in ninkii lahaa neefkaasi idaha ah, Duony Manyang Dhal, ay tahay inuu bixiyo shan sac oo la siiyo qoyska dhibbanaha.


Neefkaas idaha ah ayaa saddexda sanadood ee xariga ah waxaa lagu hayn doonaa xarunta dhexe ee deegaanka Aduel ee gobolka Lakes ee South Sudan.


Idaacadda ayaa intaasi ku dartay in neefka idaha ah gacanta loo geliyay booliska, iyadoo maayirka magaalada Elijah Mabor uu radio Eye u sheegay "neefka idaha ah ayaa feeraha hardi kala dhacay haweeneyda waxyar kaddibna waa ay dhimatay.


Maayirka magaalada ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Eye waxa uu kaloo ku sheegay in "milkiilaha neefkaasi idaha ah uu yahay qof aanan wax dambi ah gelin, balse cidda dambiga gashay ay tahay neefkaasi idaha ah taas oo mudan in la xiro, maxkamadna la soo taago."


Lama oga ayuu raadiyuhu sii raaciyay in neefkaasi idaha ah uu ka qoomameeyay falka dambiga ah ee ka dhacay.

 

BBC

 

Loading...
Loading...