Hooyo Hal Meel Ku Dishay 6 Carruur Ah Oo Ay Dhashay

0
Wednesday June 01, 2022 - 08:58:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1452
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Hal Meel Ku Dishay 6 Carruur Ah Oo Ay Dhashay

    "Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil"

Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel biyo ku jiraan.



Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho.

Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas naxdinta leh.

Haseyeeshee dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga u taxaabay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.


Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su'aalo u waydiiyaan.

Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: "Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa hal sano jir, gabadha ugu waynna waxay ahayd 10 jir."


Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dmabe ee maalintii Isniinta ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi.


Aaabaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo hal bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray gobolka magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh.


Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa, oo 30 jir ah iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.


"Haweeneydan waxay murmeen ninkeeda. Sidaas awgeed markii uu ninkeeda shaqada aaday, waxay guriga kasoo kaxaysay lix carruur ah oo ay isu dhaleen, wayna dishay dhammaantood, iyada qudheedana qorshaheedu wuxuu ahaa inay isdisho," ayuu yiri Ashok Dudhe.


Dadka tuulada ayaa arkay Runa oo ku boodaysa ceelka biyaha ku jiraan. Durbadiiba way ku kala carareen waxayna kasoo badbaadiyeen ceelkii, iyagoo durba ula cararay isbitaalka.


"Waxaan rabay inaan isdilo kaddib markii aan lixdayda carruurta ah ceel ku riday," ayay tiri haweeneydaas oo ay soo xigteen warbaahinta.


Booliska iyo dadka deegaanka ayaa sameeyay gurmad lagu raadinayay carruurta, balse abaare 10-kii fiidnimo waxaa lasoo saaray meydadka lixdii carruurta ahayd ee ceelka ku haftay.


Islamarkii isbitaalka laga soo saaray waxaa haweeneydan gacanta ku dhigay booliska oo baaritaanno la xiriira dhacdadaas ku sameeyay.


Saraakiisha booliska ee ku sugan saldhigga ay ku xiran tahay ayaa sheegay in haweeneydan ay hadda ku sugan tahay xaalad ay ku adag tahay inay hadasho.


Waxay boolisku intaas ku dareen in ninkeeda uu isticmaali jiray maandooriyaha, sida khamriga, uuna tacaddiyo u gaysan jiray.


Waxay isku dayday inay isdisho maadaama ay u dulqaadan waysay garaacitaanka joogtada ah ee uu u gaysan jiray ninkeeda, sida ay boolisku ku sheegeen warbixintooda.


Guddi ka kooban saddex askari ayaa hadda baaraya xogta rasmiga ah ee ku saabsan dhacdadan iyo sababa keenay.

 

BBC

 

Loading...
Loading...