DEG DEG: Cabdirashiid Riyo-raac Oo Iska Casilay guddiga doorashooyinka Somaliland

0
Tuesday May 31, 2022 - 23:10:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Cabdirashiid Riyo-raac Oo Iska Casilay guddiga doorashooyinka Somaliland

    DEG DEG: Cabdirashiid Riyo-raac Oo Iska Casilay guddiga doorashooyinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DEG DEG: Cabdirashiid Riyo-raac Oo Iska Casilay guddiga doorashooyinka Somaliland


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyihii guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo Raac, ayaa waxaa uu iska casilay xilkii iyo xubinimadii guddiga doorashooyinka Somaliland, sida ay xaqiijiyeen Ilo-xogogaal ahi.



Is casilaada Guddoomiyihii guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa timid kadib markii khilaaf aad u xoogani uu soo kala dhex-galay xubnaha guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Cabdirashiid Riyo-raac, oo markii hore mucaaradku ka biyo diideen magacaabistiisa, ayaa qabtay Doorashadii Wakiillada iyo deegaanka Somaliland oo uu ammaan badan ku helay.

Xubnaha guddiga Doorashooyinka Somaliland oo shir isugu yimid, ayaa hore xilka uga qaaday Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), islamarkaana guddoomiye u doortay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Geesta kale, waxaa hore xubinimada guddiga doorashooyinka Somaliland iskaga iscasilay Maxamuud Daahir Jaamac oo ka mid ahaa xubnaha Guddida Doorashooyinka, waxaanu kamid ahaa xubnaha Golaha Guurtida Somaliland ugu jiray guddida doorashooyinka.

Xiligan oo ay ahayd in ay bilaabanto diwaangalinta doorashooyinka soo socda ee Somaliland, ayuu khilaaf joojiyay shaqadii guddiga doorashooyinka.

Mucaaradka Somaliland, ayaa khilaafka u dhexeeya guddiga doorashooyinka ku sifeeyay in ay tahay dabin uu madaxweyne Biixi ku doonayo in uu doorashada dib ugu dhigo, oo uu isagu guddiga khilaafka galiyay.

Loading...
Loading...