Duqa Hargaysa oo ka hor yimid Mudaharaadka ay Mucaaradku ku Baaqeen

0
Tuesday May 31, 2022 - 20:45:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Duqa Hargaysa oo ka hor yimid Mudaharaadka ay Mucaaradku ku Baaqeen

    Duqa Hargaysa oo ka horyimid mudaharaadada ay mucaaradku ku baaqeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Hargaysa oo ka horyimid mudaharaadada ay mucaaradku ku baaqeen Duqa Hargaysa oo ka hor yimid Mudaharaadka ay Mucaaradku ku Baaqeen



Hargeisa(HWN):-Duqa caasimada Somaliland ee Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka horyimid mudaharaadka ay xisbiyada mucaaradku abaabulayaan.


Mooge ayaa soo jeediyay in madaxda axsaabta siyaasadu ay miiska wadahadalada kusoo noqdaan, oo ay ka arrinsadaan qodobada laysku hayo laakiin aan umada laysku soo saarin.


"Waxan qabaa in la wada hadlo, umadna aan laysku soo saarin, ee saddexda xisbi ee ay arrintani khusayso intay isla galaan miiska wadahadalada, oo intay qol yar hoosta kasoo xidhaan ay xal ka gaadhaan arrimaha laysku hayo" ayuu yidhi maayar Mooge.

Duqa ayaa sheegay in uu isagu masuul ka yahay horumarka iyo nabadgalyada Hargaysa "Aniga maayar ahaan waxa isaaran horumarka Hargaysa, nabadgalyada Hargaysa iyo in dadkeedu ay ku noolaadaan nabad, oo ay ku noolaadaan walaalnimo".

Waxa kale oo uu sheegay in mudaharaadku aanu xal u noqon doonin khilaafka siyaasadeed "Hadiiba mudaharaadku uu dhaco miyuu keenayaa xal, oo maalin la mudaharaaday miyay xal u noqonaysa arrimaha laysku hayo, markaa jawaabtu waxay noqonaysa, waa maya weeyi".

Go'aanka maayarka ayaa ka dhigan in uu si toos ah uga hor yimid go'aan siyaasadeed oo uu gaadhay xisbigii uu ka tirsanaa isla markaana uu kasoo baxay ee Waddani.

Mucaaradka oo doorashadii golayaasha deegaanka ee qabsoontay maanta oo kale 31, May, 2021, ku guulaystay badiba maayarada magaalooyinka waa wayn, ayaa ku tashanayay in maayaradu ay u sahli doonaan in ay si fudud ku gaadhaan danahooda siyaasadeed.

Loading...
Loading...