Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Sheegay In Shacabku Mudaharaadka Xaq Uleeyihiin Loona Ogolaado

0
Tuesday May 31, 2022 - 16:10:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Sheegay In Shacabku Mudaharaadka Xaq Uleeyihiin Loona Ogolaado

    "Ololaha xisbiyadu waa mudaharaad. Deero deero ma hirdido"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ololaha xisbiyadu waa mudaharaad. Deero deero ma hirdido"

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuleed Daafac ayaa sheegay in shacabk Somaliland uu yaqaan qaabka loomudaharaado, xaqna ay uleeyihiin inay mudaharaad ku muujiyaan waxay doonayaan



Garyaqaanka ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

"Mudane taliye, bukulli ixtiraam, 18 May wixii dhacay mudaharaad buu ahaa. Maalmihi ka horeeyey wixii khayriyadda ka dhacayay mudaharaad buu ahaa. Madaxwaynuhu marka uu dalka u soo noqdo isku soo baxa lagu oo dhaweeyo waa mudaharaad taageero u ah. Ololaha xisbiyadu waa mudaharaad. Deero deero ma hirdido oo waa nabad. Maallin dhowayd xitaa booliisku si qurux badan ayuu u goob ka cayaarayay isaga oo la jaasayaa shacabkiisa. Iglan oo ina soo hadal qaaday ba waynu u mudaharaadnaa.

 

Xisaadda dadku waxa ay ugu kacsan tahay ololaha doorashada. Waa marka meelaha qaarkood adduunka rabshaduhu dhacaan. Inaga waxba ma dhacaan. Dadkeenu way yaqaaniin sida aragtidooda loo dhiibto. Madaxtooyada ayay hor yaacaan xilliga ololaha iyaga oo leh down down, dhagax baad sheegaysaaye caday kuma tuuraan.

 

Ma dadkaas baan aqoon mudaharaadka?

Shacabka Somaliland iyaga ayaa doortay nidaamka dimoqraadiga ah oo ah in la is doorto, la isku mudaharaado oo la is dhalliilo. Dadku waxa ay xaq u leeyihiin inay subax walba is hortubaan aqalka Madaxwyanaha haddii ay doonaan. Dadku waxa ay xaq u leeyihiin yaan loo bahalo gellin.

Mahadsanid.”


Hadalka garyaqaanka ayaa yimid kadib markii taliyaha Booliska Somaliland uu sheegay inaanay shacabku garanayn qaabka loomudaharaado sidaa awaadeedna shacabku uu guryaha iska joogo.

Loading...
Loading...