Gooni Isu-taagga Somaliland: Ma Run Baa Mise Waa Riwaayad?

0
Tuesday May 31, 2022 - 15:19:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gooni Isu-taagga Somaliland: Ma Run Baa Mise Waa Riwaayad?

    W/Q: Maxamuud C/llahi Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamuud C/llahi Axmed

Lagjar ferenji niman baa akhriya, laawis iyo beene/oo waliba laasimay intay, lib isku moodeene.  Gabay hore

 

Somaliland waxay ku faantaa in shacabkeedu isku raacasan yihiin gooni isu-taagga, beeluhuna u dhamaayeen ku dhawaaqii madax-banaanida ee 18kii May 1991. Laakiin taas wax baa ka soo noqday.



 

22kii bishan May 2022kii  xafladdii xuska 20 guuradii xisbiga Kulmiye, khudbadihii laga soo jeediyeywaxa caroog buuni dheer, lagu yeeriyey  in aan shacabka iyo haya'adaha siyaasadeed ee SL isku raacsanayn gooni isu-taagga/goosiga.

 


Wasiirka arrimaha gudaha, Md. Kaahin, ayaa af labdiisa daan cod daryaan dheer ku yidhi erayo u dhacayey sidan: shacabow aan run idiin sheego; waxaanu mucaardika isku haynaa waa Xamar aan raacno iyo raaci mayno. Hadalladii kale eemadaxda dawladda iyo xisbiga Kulmiye ay fagaaraha ka jeediyeena waxay akideencaroog-yeerinta Md. Kaahin.


 

Ogow madaxweyne Biixi-na gole-joog buu ahaa, waana dhegaysanayey, mana aynu maqal diidmo iyo sixid ku aaddan tiraabahaas ka yimi xubnaha dawladiisa ka tirsan. Haddii uusan raali ka ahayn lama ba yidhaahdeen. Taasoo ka dhigan in dhegihiisu ku raaxsanayeen ereyadaas xafladda laga yidhi.

 


Waxa la yidhaahdaa: dad allow run sheeg muslim allowna uga qaado. Sidaa darteed waa in madaxda dawladda Somaliland tooda loo raaco, illayn been bay odyaashaasi sheegyaan af waa ka weyn tahaye. Waxa, had iyo jeer, dawladda SL si toos uga soo burqada war cad oo u dhacaya in  gooni isu-taagga,lagu andacoodaa, yahay sabaalo caruureed. Feedh miyuu ka baxay hadal!


 

Ma aha markii ugu horaysay ee xisbi xaakimka Kulmiye fagaare isla soo taagaan Somaliland looma dhamma. Waxay dabuubaha dhoobo-saydhka ah, sida mucaaridku u arko, bilaabeen doorashadii madaxtooyada ee 2017kii; Ilaa maalintaas-na madaxweye Biixi iyo dawladdiisu shucaarka (hal-ku-dhigga) keliya ee ay ku hadaaqaan, kuna celcilyaan, ahaa: xisbiyada mucaaridka ahi waa Somali-weyn (midnimada waqooyi iyo koofur). 

 


Dabuubta madaxda dawladda, hoggaanka haysaa, dhayal iyo dheel-dheel midna ma aha, ilayn haddii kale mar uun bay joojin lahaayeen ku nuux-nuuxsigan tiraabtan soo noq-noqotay. Baroortu olole doorasho ka weyn, ilay doorashaba ma taale. Haddiise hadalladoodaasi been yihiin waxay noqon in madaxda dawladda SL ku nisboobaan labo-can-layn iyo nifaaq. Subxaanallah. Ilaah baanu nifaaq ka magan galnay.


 

Jeer kasta oo xisbiyada mucaaridku ay dafiraana cidi uma joojiso. Waano iyo wacdi kasta oo sheekh iyo shariif akhriyana, Md Biixi iyo dawladdiisa ka waantoobi waaye ku cel-celinta arrintaas. Jawaabtoodii waxay noqotay dhegooy-jalaq.

 


Waxa,haddaba, halkaas laga soo dheegan karaa duq Biixi wax buu og-yahay, wax aysan dadku ogeyn oo ah: in aan shacabka SL isku raacsanayn gooni-goosadka. Dad nin u taliyey iyo nin tuugay baa yaqaan, baa la yidhi.

 


Akhriste, dib u xasuuso doorashooyinkii madaxtooyada, baarlamanka iyo dawladaha hoose, waxay xisbiyada mucaaridkuheleen kala-badh ama in ka badan, celcelis ahaan, wadarta codadka dadweynaha. Taas oo fasirkeedu yahay, in kala-badh dadweynaha SL ka soo horjeedaan gooni-goosiga. Hadda anigu sidaa ma oran maandhe; m/weyen Biixi ayaa sidaas dhaha. Mise waanu is-dhegyasan, talow?


 

Marka aad u fiirsato dhacdooyinkaas soo noq-noqday waxay ku fahamsiinayaan sababta beesha caalamku, marnaba, ugu dhego-raaricin weyday, una aqoonsan weyday SL. Waxa dawladaha caalamku og-yihiin in dawladda SL aysan run ka ahayn gooni-isu-taaggu; oo uu yahay riwaayad ay jilaan iyo  maaweelo shacab.

 


Ha loogu duceeyo Md Biixi in Ilaah hal mid baro: kelmadda wanaagsan; sida ay tiraahado aayadda suuratul Ibrahim [12:24]: erayga wanaagsani waa sidii geed qurux badan oo laamihiisu samada gaaraan. Ilaah ha baro Biixi xikmadda iyo macnaha weyn ee erayga midnimo. Aamiin.


 

Wa Bilahi towfiiq

 

Maxamuud C/llahi Axmed

Email: [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...