Farmaajo Miyuu Soo Afjaray Taxanaha Eedda Kelitalisnimo Ee Beeshiisa?

0
Tuesday May 31, 2022 - 15:12:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Miyuu Soo Afjaray Taxanaha Eedda Kelitalisnimo Ee Beeshiisa?

    W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Maya, Farmaajo ma soo afjarin kelitalisnimada lagu eedeeyo Beeshiisa ee waa la muquunshay oo lagu khasbay inuu doorashada u hoggaansamo ama dagaal ku wajaho Muqdisho. Mudadii 5ta sano ahayd ee Moxamed Cabdullaahi Farmaajo joogay Villa Somalia waxaa dhaqankiisu muujiyay inuu noqonlahaa mid ka mid ah kelitaliyayaasha ugu xun ee soo mara Somalia, waxaana caddayn u ah arrimaha soo socda:

 

• Moxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo xafiiska jooga in ka yar 7 bilood ayuu sidii Siyaad Barre ku dhaqaaqay dil kaas oo ujeedadiisu ahayd "Weysha gawrac dibigu haku quus qaate” markii uu weerar ku qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur dabayaaqadii 2017 oo ku laayay ilaaladiisii ilaa maanta aan la ogeyn xabaal-wadareedka lagu aasay kaas oo uu ula jeeday inuu ku madax-jebiyo Hawiyaha sidii kelitaliye Siyaad Barre ugu dilay General Gabayre, General Caynaanshe iyo G/Sare Cabdulqaadir Dheel si uu Somali ugu madax-jebiyo.

 

• Farmaajo waxaa uu weerarka labaad ku qaaday Baidhabo Bishii Diisambar 2018 isaga oo adeegsanaya ciidamada Itoobiya si loo xiro Muqtaar Roobow, Koonfur-Galbeedna loo dhiibo Cadicasiis Lafta-gareen oo daacad u ahaa Farmaajo. Weerarkaas waxaa ku dhintay ilaa 15 qof oo shacab ah.

 

• Weerarkii 3aad waxaa lagu qaaday Galmudug si xukunka looga tuuuro Xaaf looguna bedelo Qoor-Qoor oo qabsaday Galmudug February 2020.

 

Weerarda lagu qaaday maamul-goboleedyada Somalia waxaa ka dambeeyay heshiiskii qarsoodiga ahaa oo Bishii September 2018 ku dhexmaray Itoobiya Abiy Axmed, Farmaajo iyo Afwerkii kaas oo ujeedadiisa ugu weyned ahayd in laga takhaluso nidaamka fadaraalka, maamul-goboleedyada iyo dimoqaraadiyada Somalia iyo Itoobiya laguna bedelo kelitalisyo ay ka dhaxayso is-bahaysi ciidan oo lagu talaglay in si wadajir loogu duulo laguna sandulleeyo Gobolka Tigreega, Muqdisho iyo Jubbaland iwm oo loo arkayay khatarta keliya ee ka horimankarta heshiiskooda dhagaraysan, cagtana la mariyo cidkasta oo diidan is-bahaysiga cusub ee xaaraanta ahaa. Heshiiskan qarsoodiga ahaa waxaa loo bixiyay magac khiyaamo ku dhisan si aan loo fahmin oo ahaa: "IS-DHEXGALKA GEESKA AFRIKA,” waxaana lagu talagalay in Addis Ababa u noqoto magaalo madax.

 

Ujeedada ugu weyn ee heshiiskan wuxuu ahaa in Itoobiya loo gacangesho dekadaha Somalia. Waxaa arrintan caddayn u ah SIRTII ka fashilantay Kulane Jiis Bishii May 8, 2022 oo ahayd khudbadii uu Farmaajo ugu talagalay in mar labaad lagu doorto taas oo uu u dhiibay Kulane Jiis si uu ugu jeediyo Beeshiisa si sir ah. Waxaa uu ka shifay in maamulka Farmaajo ay u qorshaysnayd in ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaraya 15, 000- 20, 000 la dejiyo Baraawe, intaas in le’egna la dejiyo Hobyo. Waxaa kale oo uu Farmaajo khudbadda ku sheegay in haddii mar labaad la doorto uu tallaabo cadowtinimo ah ka qaadayo Galmudug iyo Hir/Shabeelle oo shacabka gobolladaas u diideen maamulka Farmaajo inuu maamulo doorashadii baarlamaanka. Waxaa kale oo Farmaajo khudbadda ku caddeeyay in haddii mar labaad la doorto aanu cidna u baahnayn doorasho kale oo uu ula jeeday dadka degan laga bilaabo koonfurta Gaalkacayo, Hobyo ilaa Baraawe uu xoog ku xukumidoono intuu noolyahay. Farmaajo bartilmaameedkiisa kowaad waxaa uu ahaa inuu dadka Hawiyaha cagta hoosteeda gesho.

 

• laga bilaabo Bishii September 2018, dalka Somalia kama jirin dawlad iyo qaranimo midna, waxaa dalka xukumayay koox maafiyo ah oo ay madax u yihiin Farmaajo iyo Fahad oo toos amarada uga qaadanjiray Abiy Axmed iyo Afwerki. Farmaajo si cad ayuu uga baxay dhammaan ballaan-qaadyadii ololaha doorashada oo ku wacadfuray ummaddii dooratay ee Somalia. Waxaa uu si cad iskugu dhiibay Abiy Axmed iyo Afwerki oo u ballanqaaday inay xukunka ku haynayaan inta uu noolyahay haddii uu danahoodoa u fuliyo - dekedaha Somalia. Laga bilaabo 2018 waxaa la aaminsanyahay in dalka Somalia ay toos u xukumijireen Afwerki iyo Abi Axmed, waxkasta oo dhibaato ah oo ay ku kaceen Farmaajo iyo Fahad waxaa loo aanaynayaa inay ka dambeeyeen Abiy Axmed iyo Afwerki.

 

• Farmaajo waxaa uu sameeyay ciiidan siyaasadeed oo uu u bixiyay magacyo xayawaanka duur-joogta ah isaga oo ay ujeedadiisu ahayd in shacabka Muqdisho lagu cabsigeliyo. Ciidamadaas oo loogu talagalay inay difaacaan kelitalisnimada Farmaajo waxaa lagu galay dembiyo badan oo ay ka mid ahaayeen dilal siyaasadeed (Political Assassinations), waxaa lagu duulay gobollo oo lagu laayay shacab, waxaa dhawr jeer la isku dayay in la laayo madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray.

 

• Farmaajo waxaa uu tababar ciidan Eritrea ugu diray dhallinyaro badan oo Somaliyeed kaas oo ka mid ahaa heshiiskii qarsoodiga ahaa ee uu la galay Abiy Axmed iyo Afwerki si loogu diyaariyo ciidan difaaca kelitalisnimo aan dhicin. Waxaa la rumaysanyahay in, sida heshiiskaas wadareed ahaa, dhallinyaradaas in badan loo qaaday dagaalkii Gobolka Tigreega oo qaarkood ku dhinteen, qaarna ku dhaawacmeen. "WAR JIRAA CAKAARUU IMAN.”

 

• Farmaajo iyo kooxdiisa waxay Bishii April 12, 2021 isku dayeen inay samaystaan 2 sano oo mudo kororsi ah waxaase ka diiday oo gaashaanka u daruuray mucaaradka iyo ciidankii badbaado Qaran.

 

• Farmaajo iyo kooxdiisu waxay isku dayeen afgembigii fashilmay ee December 27, 2022 kaas oo la rabay in xukunka looga tuuro Ra’iisal Wasaare Rooble.

 

• Farmaajo iyo kooxdiisu waxay isku dayeen Bishii April 2022 inay horjoogsadaan doorashada guddoonka baarlamaanka waase laga adkaaday.

 

 

Farmaajo iyo kooxdiisa oo ku kacay intaas oo fal-dembiyeed ah oo xiriir ahaa marnaba ma rabin inuu kursiga dhiibo ama ka dego, waxaanu dunuubta intaas le’eg u galay inaanu xukunka marnaba ka degin intuu noolyahay. Waxaa gaashaanka u daruuray oo ku qasbay in doorashada la qabto mucaaradii Muqdisho, ciidankii badbaado qaran, Maamulka Puntland, Maamulka Jubbalaand iyo Beesha Caalamka. Sidaas daraadeed, FARMAAJO ma soo afjarin taxanaha kelitalisnimada beeshiisa ee waa la muquuniyay, markuu naftiisa u baqayna wuu is-dhiibay.

Ibrahim Hassan Gagale

May 30, 2022

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...