"Muuse Biixi Daacad Kama Ah In Uu Qabto Doorashada"

0
Tuesday May 31, 2022 - 10:15:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Daacad Kama Ah In Uu Qabto Doorashada"

    "Madaxwayne Muuse wuxu ku socdaa markaa muddo kordhin aan saamilaydu isla ogolayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxwayne Muuse wuxu ku socdaa markaa muddo kordhin aan saamilaydu isla ogolayn"

Hargaysa (HWN) Siyaasi  Cali Guray oo kamid ah mujaahidiintii usoo halgamay Somaliland oo ka hadlaya khilaafka ka taagan doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanu madaxwayne Muuse Biixi daacad ka ahayn qabashada doorashooyinka.



Mujaahidka ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-


WAXA SOO SOCDAA YAAB LEH

Madaxwayne Muuse Biixi iyo xukuumadiisu ilaa maanta waxay dadka u sheegayaan in labada doorashoba ay qabsoomayaan. Goorta ay qabsoomayaan iyo ta soo horaynaysa way ka ilaaliyaan in ay afka ku dhuftaan. Markaa warkoodu ma dhamaystirna ee wuu kala dhiman yahay dadkana qofba siduu jecel yahay ayuu u qaataa. Hadii sharciga la raacayo oo doorashada dastuuriga ah wakhtigeeda ku qabsoomayso khilaaf siyaasadeed ma imanayo waayo ma jirto wax intaa ka badan mucaaridku ma doonayaan.


Sababta ay afka uga dhawrayaan in ay ka hadlaan wakhtiyada doorashooyinka ayaa ah halka ay sirtu ku jirto xisbiyada mucaaridkuna ay garanayaan. Waxa la yidhi fiintu jirka soo socda ayay ka sii ooydaaye. Waa xaaladda runtii mucaaridka haysata ee cadhadooda iyo qaylodhantoodu daaran tahay.


Hadii Madaxwayne Muuse uu daacad ka yahay bal goorta ay doorashooyinku ay qabsoomayaan iyo sida uu doonayo in loo kala qabyo shacbiga Somaliland ha u sheego xaq bay u leeyihiin in ay ogaadaane.


Sida aan u arko Madaxwaynuhu ma doonayo diyaarna uma aha in Doorashada Madsxtooyadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto iyo xataa hadii ay dib uga dhacayso loo raaco khariidadda tubta doorashada (road map) ay dancan saamilayda doorashadu heshiis ku yihiin.


Madaxwayne Muuse wuxu ku socdaa markaa muddo kordhin aan saamilaydu isla ogolayn in Golaha Guurtida uu ka dalbado odayaashuna waaba waxa keliya ee meesha ay u fadhiyaan. Kaasi waa khilaafka doorashada madaxtooyada. Waxa ka sii daran khilaafka doorashada ay ku tartami doonaan sadexdan xisbi hadii la isla gaadhoba. Sida uu Muuse wado isaga oo muddadii loo kordhiyay ayay sadexdan xisbi mudadoodu dhamaan doontaa 26 December. Xeer No#14 sida uu hadda yahay xisbiyada muddada looma kordhin karo doorashona ma geli karaan ilaa ay tartan la galaan ururo cusub sadex xisbina ka soo baxaan oo iyagu ku tartami doona doorashada madaxtooyada goorta ay doonto ha qabsoonto eh. Doorashadan ururada/xisbiyadu hadii la isla ogolaado way ku qabsoomi kartaa wakhtigeeda December. Yaase isla ogolaan kara waxay u badan tahay in aan waxbaba la isla ogolaanin ee xaalku noqdo ismuquunin iyo ninkii rooni reerka ha u hadho eh.


Waxan filayaa qofkii aan fahamsanayn khilaafka Madaxwayne Muuse iyo Mucaaridkiisu waxan filayaa in qoraalkani wax uga iftiimiyay dhinaca uu doonoba ha taageero eh


ELECTIONEACH

CALIGUREY

Loading...
Loading...