Furuqa Daanyeerka

0
Monday May 30, 2022 - 17:24:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Furuqa Daanyeerka

    W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

Furuqa daanyeerku waa cudurku markii horre ku dhacay Daanyeerka kaas oo markii danbe u soo gudbay dadka, waxaana loo aqoonsaday inuu kamid yahay xanuunnada u kala gudba dadka iyo xayawaanka (Zoonotic Diseases). Waxaa sababa nooc kamid ah fayraska kaas oo ka tirsan qoyska (Family Poxviridae). Xanuunkan sannadkii 1958-dii ayaa laga helay koox daanyeero ah kuwaas oo lagu arkay calaamadaha finanka ah ama buusbuuska maqaarka, markaas oo loo bixiyay magaca xanuunkan Furuqii daanyeerka, Sannadkii 1970kii waxaa uu usoo gudbay bini aadamka waxaana la diwaan geliyay qofkii ugu horeeyay ee uu xanuunkani ku dhaco kaas oo lagu arkay dalka Jamuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo, muddo kadib wuxuu ku fiday dalalka badhtamaha iyo galbeedka qaaradda Afrika kuwaas oo ay kamid yihiin: Kamaruun, Afrikada dhexe, Gaboon, laybeeriya, Nayjeeriya, Jamuuriyadda Koongo, Iyo sirilyoon. Cudurkan waxay aad isugu eeg yihiin cudurka Fururqa dadka ama buus-buuska (Smallpox), kaas oo qarniyadii ugu danbeeyay bini aadamka ka galaaftay tiro aad u badan. Wakhti xaadirkan lama garanaayo wax sababay xanuunkan ama dib usoo laba kiciyay sida ay sheegeen cilmi baadheyaasha caafimaadku. Waxaana uu ku jiraa xanuunada u kala gudba qaaradaha adduunka ama safmareenka ah (Pandemic Diseases). Siday xaqiijisay haay'adda amaanka caafimaadka ee ingriisku dhimashada xanuunkani aad uma badna waana boqolkiiba 1%, guud ahaan waxa loo qaybiyaa xanuunkan laba nooc. Hay'adda Caafimaadka Adduunku waxay sheegtay xanuunkani ilaa iminka in laga helay ilaa 20 wadan, kaas oo ku faafaya si xawlo ah.



ASTAAMAHA CUDURKAN:

1. Xumad, Madax xanuun, Murqo xanuun, Finan, Nabaro ama buus-buus kasoo baxa maqaarka qofka kuwaas oo mara marxalado kala duwan, Qanjidh-barar, Daal iyo Qadh-qadhyo.


SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA XANUUNKAN :

Waxaa lagagga hortagi karaa siday haay'adda caafimaadka ingiriisku sheegtay in qofkii isaga shakiya ama uu ku dhaco xanuunkani intuu is xakameeyo 21 cisho. Sidoo kale inuu qofku xidho af-saab iyo inuu markasta farihiisa oo uu meelo soo taataabto ku maydho jeermis dile. Waxa kale oo lagula taliyaa in marka uu hindhiso isticmaalo suxulkiisa ama mara ama in uu ka fogaado dadka kale.


DAAWEYNTA CUDURKAN :

Ilaa iminka weli lam soo saarin daawo rasmi ah oo lagu xakameeyo balse waxaa lagula tacaalayaa in qofka la siiyo dawooyinka difaaca jidhka sare usoo qaada iyo Talaalka lagu daweeyo xanuunkan Furuqa dadka oo lagula tacaalo xanuunkan kaas oo la sheegay inay ku dawoobeen bukaannadii la siiyay.


Mayeedhaan Magazine

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...