Xaqiiqo Mugleh Iyo Maado Cilmiyeysan, Wax Ka Baro Mashruuca Tog-wajaale Manfaca Ku Duugan.

0
Monday May 30, 2022 - 17:03:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiqo Mugleh Iyo Maado Cilmiyeysan, Wax Ka Baro Mashruuca Tog-wajaale Manfaca Ku Duugan.

    W/Q: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Intaanan  u guda-galin  faa,iidada  iyo macnaha  uu  samaynayo  mashruucu  aan  horta cilmiyan  isla  meel dhigno, ( Original name):Mashruuca  tog-wajaale,  (Geographical location): Gabiley, W-galbeed, Somalia,  East-afica, Africa.( Geographical  Coordination)= 9” 37,(o) north, 43”27”(o) east.  Ha layga  raali ahaado  hadii  soomaaliya iyo  waxyaalahaasi  lagu arko  waa  sidey (World  Stallite  Saverka) Uu  ugu  jiro, dhinaca  kale   mashruucu dhul ahaan  waa  Flat area  ku  haboon (Extensive  Farmingka)  ama godaalka  fidsan  wax la  yidhaahdo,  Bad ahaana  waa  (220 hk) cabir  qodaaleedka.



DHulkan  masnada ah  Ee  rabbi ku  manaystey  gobalka gabiley  isla  markaana noqon  lahaa  hadii muruq  iyo  maskax la  galiyo  xarun ka  mid  ah xarumaha  laga  quudiyo Mandaqada  geeska-afrika,  Wax soo  saarkeeduna  uu ku  haqbtiro  bulshada reer  Somaliland  ee aadka  ugu  baahan kaalintaa  wax  soo saarka  yadoo  uga faa,iidaysan  kara  waxyaabo fara  badan  oo ay  ka  mid tahay  Quudinta  dan-yarta, Gurmadka  abaaraha,  Taakulayta Jaararkeena  liita, Iyo  Barnaamijyo khayr  inoogu  filan.


Qorshayaasha  dhaw ee  qaranka  hadii lagu  darsado  sidii loo maal-galin  lahaa  mashruucaasi waxa  marag  ma doona  inaan  noqon karno  dal  maal iyo  mulkiyad  leh oo  soo  gala shaashadaha  umada  kor u socota,  taasi  oo lagu  qadariyo  wadamada iskood  isku  xilqaamey waliba  wax loogu  daro  si ay  taam  uga dhigaan  himilada  ay hiigsanayaan,  Xaqiiqatan  horumarku wuxuu  ku  jiraa falashada  dhulkaa  mansada ah  iyo  wixii hadba  laga  goosto, Dunida  maanta  cida kaliya  ee  kaafiday baahiyaheedii  een  loogu tiitiidhabanayn  gaajo  iyo macaluul  waa  kaliyaata cidii  wax  soo saar  leh.


Hadaynu  ka istaagno  dhanka  guulaha wax  soo  saarka iyo  qiimihiisa  gaarka ah,  maanta  waxa dunida  dhamaanteed  dhaafiyey dawlada  markaykan  ee  ka  dhigey quwada  caalamka  (Global powerka)  waxa  la yidhaa  waa  wax soo  saarka  dalagyada faraha  badan  ee uu  soo  saaro ama  sayladaha  dunida ku  soo  daadiyo, tusaale  ahaan  maraykanku wuxuu  (Commision  of united  state  financeka) ama  gunada  dhaqaalaha qaramada  midoobey  bixiyaa 50%, intaana  wuxuu  kaga soo  ceshadaa  Cunnooyinka Iyo  Dalagyada  ugu Badan  ee  mucaawinada wuxuu  ka  iibiyaa 50%  halkaasna  waxa ugu  jira  faa,iido badan  iyo  magac badan  waa  sababta uu  dunida  ugu taliyo  ee  uu isugu  arko  inuu yahay  dawlada  caalamka Rabbibaa  caalimee.


Markaa  waxa ina  da,a  ah inaan  quntiga  dhiisha iskaga  dhigno  oon isticmaalo  kart,  aqoon, aragti-dheer,  intaasi  oo dhamaantood  ku  yagleeli lahayn  sidaan  dunida u  gaadhi  lahayn, tanina  waxa inoo  haysa  inagoo meelo  kale  ka raadin  libinteeda  Inaan bilawno  qorshihii  lagu maal-galin  lahaa  mashruuca tog-wajaale  oo  ay waliba  gacanta  ku haynayso  dawladu  si  ay  meesha uga  baxdo  mad-madaw fara  badan  oo soo  bixi  lahaa, waliba ku  darsoo  loo horo  hiil  iyo dhabar-adayg  dalagyada  la beerayaana  waa  iney noqdaan  kuwaan  ugu isticmaalka  badan  nahay si  inta  saayidkaana aynu  gayno  sayladaha iyo  suuqyada  Africa Iyo  Asiaba  kuwii u  baahan  ee inta  badan  bilaa wax  soo  saarkaa runtii  waa jaanis,


Maxay  ka tarri  karaan  dhibaatooyinka  dhaqaale ee  Somaliland  wax soo  saarka  mashrruucu?

Horta  mida koowaade  dalku  wuxuu yeelan  karaa  badeecooyin uu  dhoofiyo  kuwaasi cashuur  iyo  macaash-macaashba  wax wayn  bay  ka tarayaan  dhaqaalaha,  sidoo kale  waxa  ka soo  baxaya  jaanisyo camal  oo  bulshada u  abuurmaya  kuwaasina waxa  ka  mid ah  gadiidleyda,  ganacsatada, dad  badan  oo tabacii  ay  tabcadeen ka  ganacsanaya,  yadna waxaan  meesha  ka madhnayn  shaqaale  fara badan  iyo  malaayiin umada  oo  kula foofa  mashruuca  hawl-galkiisa.


Awood  waxaan u  yeelanaynaa  inaynu joojino  suuqyadii  iyo bulshooyinkii  inagu  tashan jirey  een  ka dalban  jirney  badeecooyinka aan  cunno,  Ganacsatadeena  waa weyn  oo  yaga lafkoodu  sameeya  ama ikhtiraaca  warshado  ileyn waxay  heleen  alaab caydhiin(Raw  material)  waxana suuragala  in

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...