Maxaa kajira in Guddiga FEIT ay doonayeen inay fasaxaan Kursiga Hop#086?

0
Monday May 30, 2022 - 10:49:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kajira in Guddiga FEIT ay doonayeen inay fasaxaan Kursiga Hop#086?

    Guddoomiye Muuse Geelle ayaa marka hore soo dhoweeyay go'aankii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa marka hore soo dhoweeyay go'aankii



Xilli saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay qorsheeynayeen inay fasaxaan Kursiga Hop#086 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin ayaa waxaa Arrintaasi ka hadlay Guddoomiyihii Guddiga Muuse Geelle Yuusuf.


Guddoomiye Muuse Geelle ayaa marka hore soo dhoweeyay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu xalay ku kala diray guddigii dooashada dad banaa ee qabtay doorashada Xildhibaannada labada Aqal.



 

Isaga oo Muuse Geelle la hadlayay Idaacadda BBC-da waxaa uu beeniyay inay u qorsheysneyd ka hor inta aan la kala dirin fasixida kursiga Hop#086 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin kaas oo ay Guddiga horay u hakiyeen doorashadiisii.


Ugu dambeyn wuxuu sheegay uusan jirin wax shaqo ah oo u harsanaa Guddiga isla markaana Shaqadoodabay ku ekeyd , markii ay dhammaatay doorashadii Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee kursigaas reerka iska leh ay ka tashanayaan.

Loading...
Loading...