Masuul iskaga Tagay Shaqadii Uu Kahayay Xukuumada Muuse Biixi

0
Monday May 30, 2022 - 09:58:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul iskaga Tagay Shaqadii Uu Kahayay Xukuumada Muuse Biixi

    "Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan Wasiirradii, Wasiir ku xigeenadii, iyo Agaasimayaashii aanu soo wada shaqaynay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan Wasiirradii, Wasiir ku xigeenadii, iyo Agaasimayaashii aanu soo wada shaqaynay"

Hargaysa (HWN) Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ka tirsanaa Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa sheegay in uu shaqadii uu kahayay wasaarada uu ka fadhiistay, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uubaahiyay

 

Mahadnaq iyo Nabadgelyayn.

Asalaamu Calaykum

Laga soo bilaabo bishii 7aad ee sanadkii 2018 waxaan ka tirsanaa Wasaarada Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah aniga oo ka hawlgalay magaalada Brussels ee Dalka Belgium imikana ka tirsanaa Safaarada aynu ku leenahay Dalkan UK. Waxaa masuuliyadan ka horreysay inaan Wasiir ku Xigeen ka ahaa isla Wasaaradan xilli hore.

 

Hadaba waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago in maanta oo bishan May ay tahay 29 ay u danbaysay shaqadii aan ka hayay Xafiiskeena UK iyo guud ahaan Wasaarada Arrimaha Dibeda Jamhuuriyada Somaliland.



Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan Wasiirradii, Wasiir ku xigeenadii, iyo Agaasimayaashii aanu soo wada shaqaynay, iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba u shaqeeya Dalkooda, iyaga oo shaqada ay Qaranka u hayaan ay tahay mid xasaasi ah oo aan i arkaay i maqlaay ahayn balse in yari ay ogtahay culayska shaqada ay hayaan.


Waxa aynu sii laban-laabi doonaa dedaalkeenii iyo wax qabadkeenii si kasii balaadhan sidii hore.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Wakiilkeena UK Amb Cabdi Cabdilaahi Xirsi iyo dhamaan Shaqaalaha safaarada ee madaalayaasha ah.


Waad Mahadsan tihiin

Somaliland ha Guulaysto

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Loading...
Loading...