Biriijkii Lugta Ee Burco Ma Waxa Uu Ahaa Qawda Maqashii Waxna Ha U Qaban !!!
Roobab laxaad leh oo labadii cisho ee u dambeeyay ka da'ayey gobolka togdheer
ayaa waxa ay gooyeen biriij lugeed uu madaxweynaha somaliland
dhagax-dhigay oo ay dhisaysay dawlada hoose ee Burco oo cusub oo dhowaan
uun farta laga qaaday dhismihiisa.
Biriijka loogu talogalay in dadka lugaynayaa ka talaabaan ayaa waxa
laga dhisay meel caan ah oo loo yaqaano ceel-gooni oo dadku aad uga
talaabi jireen, waxaana la furay oo la dhamaystiray maalmo dhaweyd oo ay
ka soo wareegtay mudo aan ka badnayn afartan iyo shan cisho ka hor.
Marka la rog-rogay waxa sababay in uu biriij cusubi dumo ayaa ah
wax aan umada ka qarsoonayn, oo ah hantida umadu leedahay in aan loo
ilaalinayn looguna dhisayn wax wanaagsan oo ay dadku munaafacaadsadaan
mudo badan oo dambe , ee ah uun gole kaga kac iyo wax baan qabtay aan
jirin oo indhaha umada la isaga jeedinayo.
Waxqabad la'aanta ay umadu kala kulantay goleyaasha deegaanada dalka
intooda ugu badan waxa ka daran tayo xumida marka ay is yidhaahdaan wax
qabta iyo waxa ay dhisayaan oo ah indhaha dadka uun tus in aad wax
dhisaysaan laakiin waxa ay dhisayaan iyo waxa ay ku dhisayaanba in umadu
leedahay oo waxooga wax wanaagsan loo galiyo oo tayo leh aanay kuba
jirin.
Waxa jirtay in bari dhawayd bulshadu ku baraarugtay bal in
goleyaasha deegaanada oo mudo todoba sano ah fadhiyey waxa ay qabteen
iyo waxa ay soo kordhiyeen wax la iska weydiiyo , mayorka Burco waxa uu
indhihii umadda isaga jeediyey in uu eedeeyo madaxwayne geeriyooday
wakhti hore oo uu ka dhigo nin reereed oo gobolo gaar ah dhaqaale iyo
cashuur u xidhay.
Dadkeena oo aan waxba hubsani waxa ay qaateen hadalkii noocaas ahaa
waxaana ay iloobeen in lala xisaabtamo mayorka iyo golaha deegaanka
Burco oo la yidhaahdo maxaad umada u qabateen mudadaa aad meesha
fadhideen , waana mid xaq loogu lahaa in la weydiiyo.
Dadka waxooga wax wanaagsan ha loogu qabto Bilahi Calayk .
Muhamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...